Finland waxaa laga helay maanta 498 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Axad 17.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 498 qof oo hor leh dalkaan Finland.Waana maanta iyo shalay, maxaa yeelay  hay’addu sooma aanay saarin shalay tirada faafista, cillad farsamo ah awgeed. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 84 131 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 4 735 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 76 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay251 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 87 qof,  gobolka Pirkanmaa waxaa  laga helay 37qof iyo gobolka Päijät-Häme oo laga helay 20 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 161 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  34 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 887 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 27 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4200 oo qof, kuwaasoo 3 658 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 541-ka kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 318 725 oo qof (18.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 47 748 544 141 714 077
Tirada u dhimatay feyruska 1 021 540  3 028 245

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS