Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 353 qof oo cusub oo qaba feyruska korona 

 Talaada 24.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 353 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 22 289 qof.

Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 64 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 182 xaaladood oo cusub, Waaxda caafimaadka ee Pirkanmaa 31 qof, waaxda caafimaadka ee Päijät-Häme 29 qof.  Magaalooyinka sidan soo socota ayaa looga kala helay feyruska: Helsinki: 92 qof, Vantaa: 37 qof, Espoo: 36 qof, Lahti 25, Tampere: 18 qof, Jyväskylä:17 qof, Oulu: 15 qof, Joensoo: 10 qof, Turku: 8 qof, Aläjärvi: 6 qof, Lempäälä: 4 qof, Kuopio, Hamina, Porvoo, Tuusula, Parkano, Kouvola: min  3 qof.

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 120 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 15 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Jimcihii kaddib 16 qof ayaa ku soo biirey daryeelka isbitaalka. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland  384 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

16 646 981 59 307 846
 

Tirada u dhimatay feyruska

376 539 1 397 672

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 12,7   milyan   172 300       972 263 687
2 Hindiya 9,17   milyan     37 410       481 134 254
3 Baraaziil 6,08   milyan     16 603       344 169 541
4 Faransiiska 2,14   milyan       4 452       500   49 332
5 Ruushka 2,11   milyan     25 173       361   36 540
6 Spain 1,60   milyan       8 599       170   43 131
7 Ingiriiska 1,52   milyan     15 450       206   55 230
8 Talyaaniga 1,43   milyan      22 930       630   50 453
9 Arjantiin 1,37   milyan        4 265       120   37 122
10 Kolombiya 1,25   milyan        6 562       192   35 479
10 Mexico 1,04   milyan        9 187      303 101 676
Xigasho : YLE, HS, Worldmeter