Finland waxaa laga helay maanta 280 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 3 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 12.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 280 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 89 270 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 865 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 52 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay173 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 21 qof, iyo gobolka Päijät-Häme oo  laga helay 18 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 81
Espoo 37
Vantaa 25
Kokkola 14
Lahti 13
Turku 12
Tampere 8
Kotka 7
Janakkala 7
Salo 6
Tuusula 6
Kirkkonummi 5
Orimattila 5
Oulu 4
Järvenpää 3
Kerava 3
Kuopio 3
Nurmijärvi 3
Lempäälä 3
Porvoo 3
Haapajärvi 2
Veteli 2
Kouvola 2
Seinäjoki 2
Jyväskylä 2
Lohja 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 114 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  24 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 930 qof, kaddib markii ay hay’adda THL maanta sheegtay dhimashada 3 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 424 oo qof, kuwaasoo 5 265 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 132 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 007 523 oo qof (12.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 160 505 013 51 611 096
Tirada u dhimatay feyruska 3 334 420 1 097 243

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 690 288 44 815 512
Tirada u dhimatay feyruska  125 399 580 738

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 23,340,426   348 499   4 200  254 255
Baraaziil 15,285,048     71 018    2 275  425 711
Faransiiska 5, 800,170     19 791       240  106 935
Arjantiin 3,191,097     29 576      490    68 311
Kolombiya 3,031,726     16 425       429    78 771
Iiraan 2,691,352     18 133       307    75 568

 

 

 

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,027,934    6 333     1  14 231
63 Denmark 260,913    925     2    2 499
88 Norwey 117,495    473           767
159 Iceland  6 522    3              29
42 Saudi-Arabia  428,369    999     13     7 098
133 Soomaaliya  14 486    71     6       753

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS