Wararka caalamka ee maanta iyo feyruska korona

Finland waxaa laga helay 45 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Sabti 5.9.2020 laga helay feyruska korona 45 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8 512 qof.

Sida ay sheegtay hay’adda THL magaalada Helsinki waxaa laga helay feyruska korona tan iyo intii uu bilowday cudurkan safmarka ah dad tiradoodu gaareyso 3055 qof.

Dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Mikkeli oo laga helay feyruska, illaa 100 ayaa karantiil la geliyay

 Sida ay sheegeen maamulka magaalada Mikkeli waxaa feyruska korona laga helay arday dhigata dugsiga hoose ee Päämäjäkoulu. Waxaana faafistaas feyruska awgieed karantiil la geliyay illaa 100 qof, sidaana waxaa sheegay Madaxa adeegga caafimaadka Essote Santeri Seppälä.

Waxaa Seppälä uu intaas raaciyay in tiradaas ay ku jiraan xubnaha qoyska iyo dadkii ka agdhawaa, tirada ardeyda u nuglaatay feyruska ee karantiilka la geliyay waxaa ay gaarayaan 70-80.

Magaalada Mikkeli waxaa guud ahaan u nuglaaday feyruska korona dad gaaraya illaa 400 oo qof.

Tirada faafista feyruska korona ee dalka Sweden oo dhaaftay xadkii ay dowladda Finland u dejisay dabcinta xayiraaddii safarka

 Tirada faafista feyruska korona ee dalka Sweden ayaa dhaaftay xadkii ay dowladda Finland u dejisay dabcinta xayiraadda safarka. Sida ay sheegtay waaxda cudurrada faafa ee Yurub, waxaa tirada faafista feyruska korona ee Sweden ay gaartay 25,7/ boqolkii kun ee qofba mudadii 14 ka maalmood ahaa ee ugu dambeeyay, halka uu xadka cusub ee dowladda ay ka dejisay ammaanka soo gelista dalka uu ahaa 25 qof/boqolkii kun ee qof ee kasta.

Jimcihii ayay xukuumaddu ku dhawaaqday debcinta xayiraaddii safarka ee saarneyd dadka soo galaaya dalkaan Finland.

Dalka Check oo jabisay rikoorkii tirada laga helay dadka feyruska maalin gudaheed

Dalka Check waxaa Sabitda 12.9 laga helay tiradii ugu badnayd ee feyruska korona qabtatan iyo intii uu bilowday xanuunkan safmarka ah. Wasaaradda caafimaadka ee Check ayaa sheegtay in tirada maanta laga helay ay gaarayso 1447 qof.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa tirada dadka laga helaayo feyruska kororna ee Check ay aad u sii kordheysay. Waxaana dalkaas aad loo adkeeyay toddobaadkaan isticmaalka afshereerka.

Dalka Hindiya oo maalin walba feyruska laga helo tiro gaareysa 100 000 oo qof

 Tirada dadka laga helaayo feyruska korona ee dalka Hindiya ayaa si aad ah u sii kordheysa maalin walba.

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa dalka Hindiya laga helay 97 570 qof oo qaba feyruska korona, sidaasna waxaa sheegay wasaaradda caafidmaadka ee dalkaas. Waxaana feyrsku uu haatan ku faafayaa dhammaan magaalooyinka waawayn iyo goobaha ka baxsan ee tuulooyinka ahba. Waxaana maalin walba dalka Hindiya feyruska awgiis u dhinta qiyaastii 1000 qof.

Tirada guud ee uu dalka Hindiya ku dhacay feyruska korona ayaa kor u dhaafaysa 4,65 milyan oo qof. Waana tirada labaad ee ugu badan caalamka. Waxaa ka horreeya dalka Maraykanka oo tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaafayso 6,4 milyan oo qof.