Xisbiyada talada dalka haya oo isku raacay in la soo rogo xadaynta dhaqdhaqaaqa ama bandowga looga hortagaayo faafista feyruska korona

Shirkii jaraa'id ee golaha wasiirrada 8.3/ Xuquuqda sawirka: Suomen Somali Media SSM

Khamiis 25.03.2021 Ra’iisul wasaaraha dalkan Finland Sanna Marin oo u warramaysay warfidiyeennada ayaa sheegtay in ay lagammamaarmaan tahay in la soo rogo xadaymo hor leh oo ka sii adag kuwa haatan jira, oo dabcan loola jeedo xadaynta dhaqdhaqaaqa ama bandowga.

Xaaladdu waa mid aad khatar u ah, waxaana halis loogu jiraa in cadaadis xoog leh uu dul fuulo isbitaallada oo ay bukaanka la ildaran xanuunka feyruska korona ka bataan, haddii aannaan qaadin xadaymo cusub oo looga hortagaayo faafista feyruska korona ayay tiri Sanna Marin.

Sida ay ra’iisul wasaaruhu sheegtay aragtidaan ama hindisahaan cusub ee dowladda waa mid lagu saleeyay, qiimeyntii ay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ku samaysay xaaladda cudurka safmarka ah ee feyruska korona iyo sida looga hortagi karo. Sidoo kale wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada STM, isbitaallda jaamacadda ee magaalooyinka Helsinki (HUS) iyo Turku (TYKS), waxaa ay qabaan aragtida ah in xadaymahaas loo baahan yahay.

Sana Marin waxaa ay sheegtay in xadaymaha dhaqdhaqaaqa ama bandowga ay yihiin qaabka kaliya ee wax looga qaban karo isuimaatinka ka dhacaaya guryaha gaarka ah dhexdooda. Waayo isuimaatinnada gaarka way adag tahay ayay tiri in si kale wax looga qabto.

Waxaa kaloo ra’iisul wasaaruhu ay sheegtay in xadaymaha lag samaynaayo dhaqdhaqaaqa dadka ay yihiin kuwo si fiican wax uga taraayaa noocyada cusub ee feyruska.

Xisibyada talada dalka ku bahoobay ayaa haatan isku aragti ka noqday in la soo rogo xadaymaha la xiriira dhaqdhaqaaqa dadka, inkasta oo ay muddo dhowr maalmod ah ku qaadatay in ay arrinkaan isku aragti ka noqdaan. Waxaa tallaabada ku xigta ay noqon doontaa in loo bandhigo xildhibaannada ka tirsan xisbiyada ku bahoobay talada dalka, kaddibna waxaa loo gudbin doonaa fadhiga guud ee xilidhibaannada baarlamaanka.  Xisbiyada mucaaradka ayaa iyagu ka soo horjeestay arrinkaan, waxaana ay sheegen in aan wali loo baahnayn qaadista tallaaabooyin kale oo dheeraad ah oo looga hortagaayo faafista feyruska.

Wali lama oga xilliga ay dhaqan geli doonaan xadaymahan cusub.

Hindisaha ay dowladdu soo saartay ee ku saabsan xadeynta dhaqdhaqaaqa dadka, waxaa laga soo reebay 12 xaaladood oo uu qofku guriga bannaankiisa ugu bixi karo xilliga uu socdo bandowga ama xaddidaadda dhaqdhaqaaqa. Waxaana ay kala yihiin:-

  • Aadista lagammaamrmaan ah oo uu qofku ku tagaayo dukaanka cuntada ama farmashiyaha, gaariga oo uu bansiin ku soo shubanaayo, iyo in qofku uu u baxo soo qaadshada arrimo kale oo dhanka nolosha lagammamaarmaan u ah.
  • Dano ka soo dhammaysiga bangiyada iyo boostada, sida in qofku uu waraaq ama alaab kale diraayo ama alaab boostada ugu timid uu ka soo qaadanaayo.
  • Dano soo dhamaysiga lagammamaarmaanka ah ee arrimaha la xiriira daryeelka caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee xafiisyada dowladda.
  • U bixis la xiriirta shaqo ama howlaha ganacsiga ee qofka muruqmaalka ah u gaarka ah.
  • Aadista xannaanada, iskuulka hoose-dhexe, dugsiyada sare iyo macaahidda waxbarshada sare, iyo aadista imtixaannada iskuulka.
  • Qabashada xilalka kalsooniyeed ee la xiriira howlaha heer degaan ahaaneed (luottamustoimen harjoittaminen) iyo ka qaybqaadashada shirarka ururrada gaarka ah ee lagammamaarmaanka ah.
  • Adeegyada gurmadka ama shaqada qaranka (Varusmiespalvelus).
  • La kulanka qofka ehelka ah ee ku jira guryaha dadka waawayn lagu xannaaneeyo amaba khatarta ugu jira inuu dhinto, ka qaybqaadahashada aaska qofka ehelka ah, hirgelinta xuquuqda la kulanka ilmaha iyo caawinta qofka naafada ah.
  • La kulanka gaarka ah ee wakiil ka socda ururka diiniga ah amaba imaamka masjidka oo ku saabsan daryeelka ama dhisidda xagga qalbiga.
  • Wareejinta guriga ama gaariga uu qofku iska leeyahay.
  • Daryeelidda xayawaanka dabjoogta ama rabaayadda ah ee guriga lagu haysto.
  • U safridda qofku uu u baxaayo cariishkiisa xagaaga (oma mökkille).

Sida ku cad hindisaha dowladda, waxaa iyana la oggol yahay in carruurtu ay bannaanka guriga ku ciyaari karaan, iyada uu ilaalinayo hal qof oo waalidka ama walaalaha qaangaarka ah. Sidoo kale inta lagu guda jiro xadaynta dhaqdhaqaaqa, waxaa carruurta dhalatay sannadkii 2008-da iyo wixii ka yar loo oggol yahay in ay bannaanka iskula ciyaari karaan.

Magaalooyinka uu bandowga ama xadidaadda dhaqdhaqaaqu ka jiro, waxaa sidoo kale khasab ah in la qaato afshareerka marka lagu jiro gudaha goobaha dadka kale joogaan iyo gaadiidka dadweynaha. Waxaana afshareerku uu khasab ku yahay laga bilaabo da’da 14-ka sano iyo wixii ka sii weyn.

Xigasho: YLE