Finland waxaa laga helay maanta 156 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 4 dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Isniin 19.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 156 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 84 287 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 4 550 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 35 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 76 qof,  gobolka Pirkanmaa oo laga helay 21 qof,  gobolka Varsinais-Suomi  waxaa  laga helay 13 qof iyo gobolka Päijät-Häme oo laga helay 18 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 35
Vantaa 19
Lahti 17
Tampere 16
Espoo 13
Turku 7
Salo 4
Pietarsaari 4
Maarianhamina 4
Tornio 3
Porvoo 2
Kouvola 2
Jomala 2
Kirkkonummi 2
Hämeenlinna 2
Jämsä 2
Hyvinkää 2

 

Inta kale ee magaalooyinka so hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 166 qof,  tiradii shalay shan qof ayaa ku soo korortay. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  34 qof.  Tirada dadka daryeel ahaanta ugu jira isbitaalka xanuunkaan Covid-19 ka awgiis ayaa si aad ah hoos ugu dhacday, tusaale ahaan 30 bishii saddexaad ee Maarso waxaa isbitaallada korona awgiis ugu jiray tiro gaaraysa 300 oo qof.

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 891 qof, kaddib markii ay maanta hay’adda THl sheegtay dhimashada 4 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 27qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4200 oo qof, kuwaasoo 3 658 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 541-ka kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 321 867 oo qof (19.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay  47 918 316  142 177 137
Tirada u dhimatay feyruska 1 024 088  3 035 603

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS