Finland waxaa laga helay maanta 63 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Axad 30.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 63 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 92 432 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 754 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 24 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 35 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 6 qof, iyo gobolka Pohjois-Savo oo laga helay 4 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 14
Vantaa 11
Kuopio 4
Oulu 3
Jyväskylä 3
Espoo 2
Hyvinkää 2
Kauniainen 2
Nurmijärvi 2
Sipoo 2
Joensuu 2
Pori 2
Turku 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 114 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  18 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 942 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shegtay dhimashada 3 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 875 oo qof, kuwaasoo 5 639 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 194 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 40,  iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 436 782 oo qof (30.05).

Xigasho:YLE,HS