Wararka caalmka ee maanta iyo feyruska korona

Finland waxaa laga helay 66 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, iyo laba xaaladood oo dhimasho ah

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Isniin 21.9.2020 laga helay feyruska korona 66 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 9046 qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in laba qof oo cusub ay u dhinteen xaalad la xiriirta feyruska korona. Tirada guud ee u dhimatay feyruska korona illaa iyo haatan waa 341 qof.

Sida ay hay’adda THL sheegtay waxaa daryeel isbitaal xanuunkaan feyruska korona dartiis ugu jira 19 qof, kuwaasoo laba ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.

Isbitaalka jaamacadda HUS oo kor u qaadi doona awooddiisa baaritaanka feyruska Korona

 Isbitaalka jaamacadda Helsinki ee HUS ayaa sheegay in ay kordhin doonaan awooddooda baarista saamiga feyruska korona, taasoo ay gaarsiin doonaan 22 000 oo baaritaan afar iyo labataankii saacba.

Maamulka Isbitaalka aya maanta go’aan la isku wada raacsan yahay ku ansixiyay arrinkaas, waxaana ay sidoo kale go’aamiyeen kireynta goobaha lagu qaadaayo iyo qalabka lagu baarayaba.

Heeshiiska kirada waxaa uu socon doonaa toban bilood, qiimaha lacagta ku baxayaana waa qiyaastii boqol milyan oo yuuro.

Xaaladda faafista feyruska korona ee Ingiriiska oo ka sii daraysa

Wararka ka imaanaaya Ingiriiska ayaa sheegaya in tirada faafista feyruska korona ee dalkaasi laga cabsi qabo in illaa iyo bisha soo socota ay noqoto 50 000 oo qof afar iyo labaatankii saacba. Waxaana Mr Patrick Vallance oo ah la taliye dowladda dhanka maamulka uu ka digay in haddii xayiraado cusub la soo rogi waayo, ay xaaladdu ka sii dari doonto.

Axaddii waxaa dalka Ingiriiska laga helay 3900 oo qof oo qaba feyruska korona.

Ciraaq

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 3821 qof oo cusub, taasoo tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka ka dhigeysa 322 000 oo qof. Waxaana afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u dhintay feyruska 70 qof, waxaana tirada guud ee illaa iyo imminka u dhimatay feyrsuka ee dalkaas ay noqoneysaa 8625 oo qof.

Iiraan

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 3341 qof oo cusub, taasoo tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka ka dhigeysa 425 000 oo qof. Waxaana afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u dhintay feyruska 177 qof, waxaana tirada guud ee illaa iyo imminka u dhimatay feyrsuka ee dalkaas ay noqoneysaa 24 000 oo qof.

Holland

 Sida ay sheegeen hawlwadeennada caafimaadka ee dalkaas, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 2215qof oo cusub, taasoo tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka ka dhigeysa 96 000 oo qof.

Israa’iil

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas, tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 2565 qof oo cusub, taasoo tirada guud ee illaa iyo waqtigan uu ku dhacay feyrsuka ka dhigeysa 188 427 qof. Waxaana tirada guud ee illaa iyo imminka u dhimatay feyrsuka ee dalkaas ay noqoneysaa 1256 qof.

 

Xigasho: YLE iyo ALJAZEERA