Nidaamka tallaalka kahortagga feyruska korona ee Finland oo laga yaabo in isbeddel lagu sameeyo, oo dadka ajnabiga ah la soo hormariyo.

Xaaladda faafista feyruska korona ee caasimadda iyo hareeraheeda ayaa intii muddo ahba kor u sii kacaysay, iyadoo maalibna maalinta ka dambaysa ay tirada dadka feyruska laga helayo ka sii badanysay intii hore.

Sidaas awgeed ayaa madaxa kooxda khubarada arrimaha tallaalka ee heer qaran Ville Peltonen, waxaa uu sheegay in arrinkaas uu keni karaayo, in nidaamkii tallaalka ee Finland wax laga beddelo.

Soo ifbaxa ama faafista cudurkaan safmarka ah ee magaalooyinka iyo degmoyinka waa ay kala duwan tahay, sidoo kale kooxana bulshadu ka kooban tahayna waa ay ku kala duwan yihiin.

Magaalada Helsinki tirada feyruska ee laga helay dadka ku hadla luqadaha qalaad waxaa ay gaaraysay 39%, magaalada Vaanta iyadu waabay ka sii badan tahay oo waxaa ay gaartay 50% tirada feyruska ee la helay in ay yihiin dadka ku hadla luqadaha qalaad.

Tirada dadka ku nool magaalada Helsinki, waxaa ay ajaanibtu ka tahay 16.5 boqolkiiba, markii loo eego tiradaas iyo tan laga helay cudurka waa mid aad u kala badan.

Sida uu Peltonen sheegay waxaa haatan laga fekerayaa, sidii howsha tallaalka loogu wajihi lahaa tusaale ahaan, iyadoo lagu salaynaayo dhanka da’da, ama dhanka magaalooyinka iyo xaafadaha uu ku badan yahay faafista feyruska.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dalka Finland Sanna Marin ayaa sheegtay in marka la dhammeeyo howsha tallaalka ee ku wajahan dadka u nugul halista cudurrada, laga fekeri doono sidii howsha tallaalka isbeddel loogu samayn lahaa.

Haddii barnaamijkaan la isku raaco ayaa macnahiisu noqonayaa in tallaalka lagu bilaabo xaafadaha ay u badan yihiin dadka ku hadla luqadaha qalaad iyo meelaha faafistu ku badan tahay, taasoo aan la ogayn illaa iyo hadda falcelinta ay dadka ajaanibta ah arrinkaan ka samayn doonaan, iyo waliba sida ay u aqbali doonaan meelmarinta barnaamijkaan oo ah in tallaalka iyaga lagu hor bilaabo.

Sannadkii hore ayay ahayd isla xilligaan oo kale, markii uu duqa magaalada Helsinki Jaan Vapavuori shaaca ka qaaday in dadka ajaanibta ah, gaar ahaan Soomalida uu cudurka korona aad ugu dhex faafay, taasoo dhalisay in dhallinyaro soomaaliyeed ay ka dhiihdhiyaan hadalkaas ka soo yeeray duqa magaalada, islamarkaana ay sameeyeen qoraal looga soo horjeedo arrinkaas oo ku wajahan magaalada Helsinki, iyadoo dad badanna ay saxiixeen qoraalkaas.

Xigasho: Yle