Finland oo soo gaabisay wakhti karaantiilka uu ku jirayo qofka uu Korona ku dhaco iyo arrintaas oo aad loo soo dhoweeyay

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Finland oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan THL ayaa ku dhowaaqday in wakhtiga uu karaantiilka ku jiro qofka laga helo cudurka Koronaha oo horay u ahayd 10 maalmood hadda la soo yarayn karo oo laga dhigi karo shan (5) maalmood.

Ha’yadda caafimaadka iyo nololwanaagga ayaa sheegtay in aanay jirin sabab wakhtigaas 10:ka maalmood ah loo sii wado, sidaas darteedna wixi hadda ka dambeeya uu qofka cudurka laga helo karaantiil ku jirayo 5 maalmood oo kaliya.

Arrintan ayaa waxaa aad u soo dhoweeyay shirkadaha waaweyn oo u arka in ay tallaabadan lagu yareeyay wakhtiga karaantiilka wax weyn ka tarayso baahida shaqaale ee ka dhalata dadka shaqaalaha ee uu cudurku haleelo kaddibna muddo 10 maalmood ah karaantiil ku jiri jiray, xittaa haddii ay cudurka ka bogsadaan oo ay calaamadaha cudurku ka baaba’aan.

Isha warka Yle