Finland waxaa laga helay maanta 84 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Isniin 28.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 84 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 95 168 qof.

Meelaha ugu badan ee feyruska laga helay waa Gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo ah caasimadda hareeraheeda, waxaana laga helay 35 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 22 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 35
Vantaa 8
Espoo 7
Pori 6
Turku 5
Tuusula 3
Kerava 3
Salo 2
Kirkkonummi 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 29 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 5 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 969 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 9 139 oo qof, kuwaasoo 7 423 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 410 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 301 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 5 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 23.06).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,2 milyan oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 977 000 oo qof (27.6.).

Xigasho: YLE,HS