Finland waxaa laga helay maanta 280 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Khamiis 22.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 280 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 85 077 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 4 235 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 64 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay149 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 30 qof,  iyo gobolka Pirkanmaa waxaa  laga helay 32 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 65
Vantaa 34
Espoo 27
Tampere 18
Oulu 13
Lahti 12
Turku 11
Paimio 9
Nokia 5
Kaarina 4
Kirkkonummi 4
Riihimäki 4
Kangasala 4
Hammarland 4
Forssa 3
Järvenpää 3
Salo 3
Porvoo 3
Eura 3
Hamina 2
Kotka 2
Orivesi 2
Maarianhamina 2
Tornio 2
Pori 2
Kajaani 2
Nurmijärvi 2
Raiso 2
Vaasa 2

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 129 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  37 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 902 qof, kaddib markii ay maanta hay’adda THl sheegtay dhimashada 3 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 36 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4200 oo qof, kuwaasoo 3 658 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 541-ka kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 430 756 oo qof (22.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 48 579 494 144 603 219
Tirada u dhimatay feyruska  1 036 155 3 075 168

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 502 935 35 205 323
Tirada u dhimatay feyruska  119 255 479 536

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS