Wararka Korona iyo maanta

Finland waxaa laga helay 19 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Arbaca 2.9 2020 laga helay feyruska korona  19 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8161 qof.

Daryeelka isbitaalka waxaa ku jira 9 qof, kuwaasoo 2 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda degdegga ah. Hal qof ayaa ku soo biirey maanta qeybtan xaaladda degdegga ah halkii shalay uu qof kaliya kau jiray.

Dadka u dhintay feyruska korona ee dalkaan Finland waa 335 qof.

Magaalada Oulu oo dadka u soo jeedisay in ay afshareerka isticmaalaan

 Maamulka magaalada Oulu ayaa soo jeediyay in xaaladaha aanay suurtaggalka aheyn in masaafo la isu jirsado ay haboon tahay in la isticmaalo afshareerka. Sidoo kale waa in la raaco ayay yiraahdeen tilmaanbixinaha kale ee ku saabsan nadaafadda caafimaadka iyo ammaankaba.

Waxaa kaloo maamulka magaaladu soo jeediyay in la iska daayo booqashada goobaha ay joogaan dadka waaweyn iyo dadka ka tisran kooxaha u nugul khatarta cudurka, haddii xitaa wax yar oo astaamaha feyruska korona aad isku aragto.

Tallaalka korona waa mid aan khasab ahayn dalkan Finland

Si xoog leh ayaa caalamka meelo kala duwan looga diyaarinayaa tallaalka korona, laakiin su’aashu waxaa ay tahay dawladda Finland dadka ma ku khasbi kartaa in ay tallaalka qaataan?

Dalkan Finland sida uu dastuurku dhigaayo taallaal qaadashada waa mid ikhtiyaari ah, taasoo loola jeedo in aan qofna lagu khasbi karin. Dhakhtar sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada Sari Ekholmayaa sheegaay, in tallaalka korona aan wax u gaar ah loo samayn karin oo aan dadka lagu khasbi karin.

Sharciga Finland ee cudurrada faafa waxaa ku jira qodob ka hadlayaa khasab ka dhigista tallaalka, laakiin ayuu yiri Ekhlom, arrinkaas laguma dabaqi karo cudurrada safmarka ah ee Korona oo kale. Sida uu sheegay dhakhtarku arrinka ah in tallaalka khasab laga dhigo waxaa ay dhici kartaa, tusaale ahaan xaaladda ah markii qaab falal argagaxiso ahaan ah loo faafiyo cudur weyn oo si ka darran sida korona wax u dilaaya.

Magaalada Jyväskylä oo ka fekereysa in ay qaaddo tallaabooyin xadeyn ah

Magaalada Jyväskylä waxaa arbacdii 2.9 laga helay feyruska korona 10 qof. Dadka u nuglaaday cudurka arrinkooda si fiican ayaa looga baarandegay, waxaana loola xiriirayaa sida ugu dhakhsaha badan.

Markii la caddaynaayay arrinka ku saabsan qaabka faafista cudurku ku socoto, waxaa soo baxday in feyruska loo nuglaan karay, haddii qofku uu tagay naadiga caweyska Escape 27.8 ama 28.8 saacadda 23-04. Waxaa intaa dheer in qofku uu u nuglaan karay cudurka haddii uu tagay MAcDonald-ka ku yaalla wadada Kaupakatu talaadadii 1.9 saacadda 16-16.30.

Sidoo kale waxaa suurtaggal ah in ay u nuglaadeen feyruska dadkii ku soo safray buska Onnibus ee Talaadii 25.8 saacadda 19.25 ka soo raacay Helsinki -Jyväskylä.

Magaalada Jyväskylä waxaa haatan u socda shirar ay la qaadaneyso waaxda maamul goboleedka ee galbeedka iyo bartamaha Finland, kuwaasoo lagaga arrinsanaayo, xadayn noocee ah ayay magaaladu ka sameyn kartaa degaankeeda.

Tirada caalamka ee qabta feyruska korona oo kor u sii kacday

 Tirada dadka qaba feyruska korona ee adduunweynaha oo dhan ayaa gaartay in ka badan 25.75 milyan.

Waxaa wararku tilmaamayaan in dalalka qaar sida Tayland ay ku guuleysatay in aan hal qofna laga helin feyruska muddo 100 maalmood ah. Halka Dalka Maraykanka tirada dadka qaaday feyruska korona ay ku dhow yihiin 6 milyan, Barazil iyo Hindiya ayaa iyaguana sii cagacagaynayaan tirada 4 milyan.

Dhinaca kale Ururuka Qaramada Midoobay ayaa qorshaynaya in ay qabtaan shir dhammaadka bishaan, kaasoo lagaga arrinsanaayo isbeddellada ay waajibka tahay in lagu soo kordhiyo nidaamka caalamiga ah, iyadoo diiradda la saarayo khatarrada badan ee uu daaha ka rogay xanuunkan safmarka ah ee feyruska korona.

Berlusconi oo uu ku dhacay feyruska korona

Warbaahinta dalka Talyaaniga aya shaaca ka qaadday in ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi uu ku dhacay feyruska korona. Wakaaladda wararka ee talyaaniga ayaa shegtay in feyruska korona laga helay Berlusconi, kaddib markii uu soo dhammaysatay fasax uu ku tagay magaalada Sirdiiniya.

Wakaaladdu waxaa ay sheegtay in Berlusconi oo 83 sano jir ah uu haatan ku jiro karantiil guriga ah, islamarkaana aanay illaa iyo haatan ka muuqan wax astaamaha feyruska korona ah.

Dalka Talyaaniga waxaa tirada laga helay feyruska korona illaa iyo arbacada 2.9 ay noqoneysaa 271 kun iyo 500 oo xaaladood, waxaana u dhimatay cudurka in ka badan 35 kun iyo 400 oo qof.

Qof soomaali ah oo ku jira xero qaxooti ah oo ku taalla giriiga oo laga helay feyruska korona

 Dawladda Giriiga ayaa sheegtay in qofkii ugu horeeyay ee uu ku dhaco feryuska korona laga helay xerada ugu weyn ee qaxootiga ee jaziiradda Lesbos, halkaas oo ay ku nool yihiin dadk tiradooda lagu qiyaasay 13 kun oo qof.

War ka soo baxay wasaaradda Socdaalka ayaa sheegay in qofkaas laga helay feyruska uu yahay muwaadin u dhashay dalka Soomaaliya oo 40 sano jir ah. Waxaana ninkaasi qaxootiga ah uu dhowaan ka soo laabtay magaalada Athens ee caasimadda giriigga.

Dalka Giriigga ayaa waxaa u dhintay feyruska korona dad tiradoodu gaarayso 271 qof, laakiin cudurku saameyn daran kuma yeelan sida dalalka kale ee yurub.