Maqaaxi ku taalla bariga Helsinki oo feyruska nooca cusub uu aad ugu faafay, booliska ayaa haatan caddaynta arrinkaas ku jira

Ugu yaraan 15 qof oo ka mid ah dadkii joogay maqaaxi ku taalla bariga magaalada Helsinki ayaa laga helay cudurka feyruska korona, sidaana waxaa sheegay maamulka waaxda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee magaalada Helsinki. Sida wararka lagu hayo faafistaasi waa nooca cusub ee feyruska ee sida dhakhsaha ah ku faafa.

Maqaaxidaas oo la yiraahdo Time Out Sports kuna taalla xaafadda Rastila, ayaa waxaa taariikhdu markii ay ahayd 30.1 joogay macaamiil tiradooda lagu qiyaasay 30 qof, kuwaasoo haatan kala badh ka mid ah laga helay cudurka korona.

Arrinka dhibaatadu ka taagan tahay ayaa ah in dhammaanba dadkii habeenkaas joogay maqaaxida aan la wada helin. Dhakhtarka sare ee waaxda cudurrada safmarka ah ee magaalada Helsinki Sanna Isosomppi waxaa ay tiri: ”waa arrin iska caadi ah in sidaas ay wax u dhacaan marka ay goobta isugu yimaadaan dad aan hore isu aqoon”.

Tirada faafista cudurka oo aad u badan iyo khatarta feyruska nooca cusub awgeed, ayaan doorbidnay, in si loo helo dhammaanba dadkii joogay habeenkaas, uu kiiskan wax kaqabashadiisa boolisku gacanta la soo galo ayay tiri dhakhtaradda Isosomppi.

Dadkii joogay goobtaas ayaa laga codsaday in ay la soo xiriiraan waaxda cudurrada safmarka ah ee Helsinki, haddii aan iyaga wali lala soo xiriirn, waxaana ay soo wici karaan telefoonka ah 09 310 5122 (Isniin-Axad, saacadaha 9-15.30 ama waxaa ay la soo xiriiri karaan iimelykaan tartuntataudit@hel.fi.

Sidoo kale waaxda Maamul goboleedka koonfurta Finland u qaabilsan arrimaha khamriga, ayaa caddayn doonta in maqaaxidaas ay u hoggaansantay talosoojeedintii iyo hagistii dhanka howlwadeennada caafimaadka iyo inkale.

Waxaa kaloo intaas dheer in dadkii maqaaxidaas joogay mudadii u dhexeysay 31.1-6.2, laga codsanaayo in ay xaaladdooda la socdaan, haddii ay isku arkaan xitaa wax fudud oo astaamaha feyruska ahna, ay sida ugu dhakhsaha badan u tagaan baarista feyruska.

Xigasho:YLE,HS