Xukuumadda Finland oo qalqal siyaasadeed wajahaysa: Hindise-sharciyeedka daryeelka caafimaadka ee baarlamaanka horyaal oo xukuumadda dhexdeeda ka dhaliyay muran xooggan

Boorka mudaaharaadka/ XildhibaanSuldaan/mudaaharaadka shaqaalaha caafimaadka/Photo Suldaan

Xukuumadda isbahaysiga ah ee Finland ayaa wajahaysa xasarad-siyaasadeed sababi karta sida ay khubarada siyaasaddu sheegayaan, in xukuumaddu dhacdo.

Xasaradda siyaasadeed ee haatan ka dhex jirta xukuumadda Finland ee ay Ra’iisal wasaare Marin hoggaamiso ayaa ka dhalatay sharciga uu baarlamaanku u codaynayo Isniinta ku beegan 19.9.2022. Sharcigan ayaa dhigaya in shaqaalaha caafimaadka si qasab ah ay shaqada u gelayaan xittaa haddii aanay doonayn.

Sidoo kale sharcigan ayaa ururada shaqaalaha ka shaqeeya daryeelka caafimaadka ka mamnuucaya in ay shaqo joojin sameeyaan, haddii ay sameeyaanna waxaa lagu ganaaxi karaa malaayiin Yuuro.

Xildhibaan Suldaan/mudaaharaadka shaqaalaha caafimaadka/Photo Suldaan

Xildhibaan Suldaan Said Ahmed (Vasemmistoliitto) oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Finland oo aad u taageersan ururada shaqaalaha ee la doonayo in xorriyaddooda shaqo-joojinta iyo shaqaalanimadaba sharciga ka dhan ah laga soo saaro ayaa Jimcihii ka soo muuqday mudaaharaad ay sameeyeen qaar ka mid ah ururada shaqaalaha ka shaqeeya daryeelka caafimaadka, sida ururka tehy iyo Super.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalinta Isniinta ah miiska saaran sharciga qasabka ah ee xaddidaya xuquuqda ururada shaqaalaha ka shaqeeya daryeelka caafimaadka.

Haddii qaar ka tirsan xildhibaanada xisbiyada ku bahoobay xukuumaddu ay ka soo horjeestaan sharciga Isniinta (19.9.2022) loo codeynayo, waxaa laga yaabaa, in kalsoonida xisbiyada xukuumaddu ay wiiqanto kaddibna ay xukuumaddu iscasho ama ay xisbiyada qaar isaga baxaan xukuumadda.

Loo joogee jihada ay abbaarto siyaasadda xukuumadda Ra’iisal wasaare Marin.

SSMV