Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 228 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

 Talaada 17.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 228 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 19 647 qof.  Muddo laba toddobaad gudahood ah ayaa laga helay feyruska 3 010 qof. Taasoo ka badan 222 xaaladood labadii toddobaad ee ka sii horreysay inta qof ee laga helay feyruska.

Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 35 magaalo.Meelaha ugu badan ee laga helayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 154 xaaladood oo cusub iyo Waaxda caafimaadka ee Varsinais-Suomi oo laga helay 33. Helsinki: 88 qof, Espoo: 27 qof, Vantaa: 26 qof, Turku :23 qof, Lahti: 6 qof, Tampere: 5 qof, Pori: 5 qof, Salo: 4 qof, Jyväskylä: 4 qof, Oulu: 4 qof , Kuopio: 3 qof, Porvoo: 3 qof, Kirkkonummi: 3 qof, Raahe: 2 qof, Mäntsälä: 2 qof, Seinäjoki: 2 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 80 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 13 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Sida ay shalay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa feyruska awgiis u dhintay 2 qof oo hor leh,  taasoo wadarta guud ee tirada dhimashada ka dhigeysa 371 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

14 238 081 55 021 938
 

Tirada u dhimatay feyruska

327 430 1 326 451

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 11,5   milyan   162 346       740 252 652
2 Hindiya 8,87   milyan      28 555       450 130 559
3 Baraaziil 5,87   milyan      13 647       256 166 067
4 Faransiiska 1,99   milyan         9 406       506   45 054
5 Ruushka 1,94   milyan       22 778       303   33 489
6 Spain 1,52   milyan       12 758       162   41 253
7 Ingiriiska 1,39   milyan       21 363       213   52 147
8 Arjantiin 1,31   milyan         7 893       291   35 727
9 Talyaaniga 1,20   milyan        27 354       504   45 733
10 Kolombiya 1,20   milyan          6 471       192   34 233
10 Mexico 1,006 milyan          3 269       283   98 542
Xigasho : YLE, HS, Worldmeter