Hay’adda nololwanaagga iyo caafimaadka dalkan Finland (THL) ayaa ka hadashay dad laga helay xanuunka feyruska Korona

Espoo 12.7.2020- Sida ay sheegtay Hay’adda nololwanaagga iyo caafimaadka dalkan Finland (THL) waxaa maanta dalka Finland laga helay saddex qofood oo kaliya, kuwaas oo qaba feyruska korona.

Sida ay Hay’adda THL sheegtay, magaalada Helsinki waxaa tirada illaa iyo hadda uu ku dhacay xanuunka feyruska korona ay gaareysaa 2 755 qof.  Tiradaasi waa mid la mid ah tii shalay, taas ayaa ka dhigan in magaalada aan maanta laga helin cid uu ku dhacay feyruska korona.

Waxaa hoos ku qoran magaalooyinka maanta laga helay xanuunka feyruska korona:

  • Espoo:               824 (tiradii shalay waxaa ku darsamay: 1 qof)
  • Tampere:           144 (tiradii shalay waxaa ku darsamay: 1 qof)
  • Jyväskyllä           (tiradii shalay waxaa ku darsamay: 1 qof).

Guud ahaan tirada laga helay xanuunka feyruska korona ee dalkan waxaa ay gaareysaa 7 294, isbitaalkana waxaa xanuunkaan awgiis ugu jira 6 qof.

By: Abdirizak Sugulle