Booliska oo sheegay in Afar qofood oo meyd ah laga helay guri ku yaal magaalada Kirkkkonummu

Sawirku dhacdadan lama xiriiro

Qaybta booliska ee gobolka Galbeedka Uusimaa (Länsi-Uusimaa) ee Finland ayaa shaaciyay, in shalay oo Isniin ah kuna beegan 19.12.2022 ay guri ku yaal deegaanka Veikkola ee degmada Kirkkonummi ka helaan afar qofood oo meyd ah.

Wararka laga helayo deegaankaas ayaa sheegaya, in markii hore guriga labo qofood oo meyd la helay kaddibna arrinka booliska lagu wargeliyay. Booliska oo markii ay goobta yimaadeen sameeyay baaritaanno dheeraad ah ayaa waxay heleen labo qofood oo  kale oo meyd.

Dad goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay, in ay arkeen diyaaradda qummaatiga u kacda ee daryeelka caafimaadka degdegga ah u fidisa dadka ay xaaladdoodu aadka u liidato iyo boolis fara badan oo tuban hareeraha guriga meydadka laga helay.

Kooxda booliska ka tirsan ee baarta goobaha ay mashaqada noocan oo kale ah ka dhacdo ayaa sidoo kale goobta tegay si ay u baaraan sababta ay dadka u dhinteen.

Booliska ayaa dhanka kale ka gaabsaday in uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo dhacdadan ay aadka uga argaggaxeen dadka deegaanku. Booliska ayaa aamusnaantooda u cuskaday, in baaritaanku uu cusub yahay oo aanay xog dhammaystiran weli bixin karin.

Wixii arrinkan ka soo kordha halkan kala soco!

SSMV