WARBIXIN IYO SAWIRRO: Koobka Helbo Cup oo Helsinki lagu soo gebagebeeyay

Koobka Helbo Cup oo magaalada Helsinki lagu soo gebagebeeyay iyo kooxda Fc Marjut oo hanatay koobka. Xuquuqda Sawirka: Mohamed Ibrahim/suomen Somalimediaverkosto

Helsinki – Cayaaraha HELBO Cup oo ah koob loo qabto dhallinyarada ajaanibta ee deggan magaalada Helsinki ayaa ka furmay magaalada Helsinki, xilli sanadkan tartanka cayaaraha ay ka qeybgeli doonaan ilaa iyo toban kooxood.

Koobkan oo ay wadajir u qabanqaabiyeen magaalada Helsinki iyo ururada kala ah Bado iyo Meh ry ayaa cayaartii ugu horeysay waxaa wada cayaaray kooxaha  Roihuvuori iyo Itä-Helsinki, iyadoo cayaartaasi ay ku dhamaatay barbar-dhac 5-5.

Ciyaartii labaad ayaa waxay dhexmartay kooxaha kala ah Ruoholahti iyo Pikku-Huoplahti waxaana ay guushu ku raacday kooxda Ruoholahti oo 8-1 ku badisay.

Ciyaarta saddexaad ayaa waxaa wada ciyaaraan kooxda Marjut iyo Vuosaari waxaana ay guushu raacday kooxda 2-1 ku raacday kooxda Marjut FC.

Ciyaarta afaraad ayaa dhexmartay kooxaha Länsimäki iyo Itä-Helsinki waxaana hardan badan kaddib 3-1 ku guuleysatay kooxda Länsimäki.

Waxaa ugu dambeyn ciyaarta kama-dambaysta ah (final) u soo baxay labada kooxeed ee kala ah FC Marjut iyo kannelmäki.

10.7.2023 ayeey labada kooxeed ciyaareen ciyaartii finalka ahayd waxaana ay guusha raacday kooxda FC Marjut oo 3-0 ku badisay.

Ciyaarta finalka ah ayaa waxaa maanta goobjoog ka ahaa Madaxa hawlaha dhallinyarada ee Konfurta magaalada Helsinki mudane Jaakko Rautavaara, Xildhibaanad Habiba Ali oo ka socotay Ururka MEH ry iyo Bado, Macallin Bashiir iyo Guddoomiye Isboortiga Soomaalida Finland  Mudane Qooje.

Waxaa dhammaadka ciyaarta finalka ah ka soo qaybgalay dadweyne aad u fara badan oo daawadayaal caadi ah iyo taageerayaasha labada dhinac isugu jiray.

Muusig iyo madaddaallo ayaa dhanka kale garoonka ka jirtay waxaana abaalmarinno kala duwan la guddoonsiiyay ciyaartooydii muujisay ciyaar iyo akhlaaq wanaag intii uu Helbo Cup socday.

Maxamed Cabdulcasiis Barre oo ah sarkaal ka tirsan magaalada Helsinki waaxda dhallinayarada oo la hadlay warbaahinta Codka Soomaalida Finland ee SSMV ayaa sheegay in koobkan sanadkan ay ka qeybgeleen 10 kooxood, ujeeddada ugu weynna ay tahay in dhallinyaradu ay waqtiga wada qaadato, wada cayaarto xilliga iskuulku xiran yahay.

 

”intii dhallinyaradu balwado iyo waxyaabo kale ku masquuli lahaayeen, inay wada cayaaraan oo waqtiga wada qaataan inta iskuuladu xiran yihiin  ayaan ugu talogalnay cayaarahan iyo in dhallinyarada Soomaalida iyo kuwa ajaanibta wada cayaari karaan.” Md.  Maxamed Cabdulcasiis Barre ayaa yiri, isagoo sheegay  in Cayaarahan loogu talo galay in loo qabto dhallinyarada ajaanibta ah oo aan kala sooc lahayn, qolo walbana ay xor u tahay in ay ku soo galaan cayaaraha magaca ay doonaan si ay xili u wada qaataan waqtiga iskuulaadka xiran yihiin.

Koobkan oo galay sanadkiisii labaad ayaa ah cayaarihii ugu horeeyay ee nuucooda ah oo loo qabto dhalinyarada ajaanibta ah ee deggan magaalada Helsinki, iyadoo koobku isu keenayo dhallinyaro ajnabi ah oo ka soo kala jeeda waddamo kala geddisan iyadoo wax shuruud ah lagu xireynin.