Finland waxaa laga helay 550 qof oo cusub oo qaba feyruska korona ah

Isniin 01.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 550 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 25 462 qof.

Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 83 magaalo. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 178 qof, waxaa kaalinta labaad ah gobolka Pirkanmaa oo 119 qof ah, kaalinta saddexaadna waa gobolka Päijät-Häme oo 63 qof ah iyo gobolka Varsinais-Suomi oo 50 qof ah. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruskana waa sidan soo socota: Helsinki (97), Espoo (27), Vantaa (39), Tampere (68), Lähti (53), Jyväskyla (33), Oulu (21), Turku (30), Pirkkala (14), Lempäälä (12), Joensoo (11)Parkano (8), Hollola (6), Salo (6) Kotka (6), Alajärvi(6), Kangasgala (5), Rovaniemi (5), Seinäjoki (4), Nokia (4), Raisio (4), Ylöjärvi (4), Hämeenlinna (4), Läppäjärvi (4),Kangasnimei (4),  .

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 175 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 18 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada bukaanka isbitaalka ku soo kordhay 23 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland  ay maraysaa 399 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

18 202 600 63 245 714
 

Tirada u dhimatay feyruska

413 296    1   469 469

 Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 14     milyan   161 736    1 238 274 332
  2 Hindiya 9,46   milyan     31 179       482 137 659
  3 Baraaziil 6,36   milyan     21 538       317 173 165
  4 Ruushka 2,94   milyan     26 338       368   39 895
  5 Faransiiska 2,22    milyan       4 005       406   52 731
  6 Spain 1,66    milyan       6 659       133   45 069
  7 Ingiriiska 1,62    milyan      12 330       205   58 448
  8 Talyaaniga 1,60    milyan      16 337       672   55 576
  9 Arjantiin 1,42    milyan        5 726       257   38 730
10 Kolombiya 1,31    milyan        8 430       182   36 766
11 Mexico 1,10    milyan        6 338         196  105 655
12 Jarmalka 1,06   milyan       14 156       329   16 862

Xigasho: YLE,HS,Worldmeters