Finland waxaa laga helay maanta 720 xaaladood oo feyruska korona iyo 2 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Jimce 26.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 720 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 56 407 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 1 665 qof, ayay ka badnayd tirada feyruska laga helay labadii toddobaad ee ka sii horraysay. Labadii Toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa tirada laga helay ay noqonaysaa 6 835.

Iskudarka guud illaa iyo 82 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 467 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 66 qof iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 30 qof, Gobolka Vaasa oo 28 qof ah iyo gobolka Satakunta oo 27 qof ah.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 237 Raasepori 3
Vantaa 103 Tuusula 3
Rauma 95 Kotka 3
Espoo 71 Hyvinkää 3
Turku 38 Lohja 3
Vaasa 20 Maarianhäminä 3
Tampere 15 Raisio 3
Oulu 15 Imatra 2
Kaarina 11 Sastamala 2
Lappeenranta 10 Kemiönsaari 2
Lahti 9 Lempäälä 2
Jyväskylä 8 Kokkola 2
Riihimäki 8 Virolahti 2
Kerava 8 Salo 2
Hämeenlinna 8 Kurikka 2
Kirkkonummi 7 Pirkkala 2
Järvempää 7 Kannus 1
Mikkeli 6 Ylöjärvi 1
Närpiö 6 Valkeakoski 2
Nurmijärvi 6 Orivesi 1
Pukkila 4 Parkano 1
Kouvola 4 Ypäjä 1
Vihti 4 Eurajoki 1
Uusikaupunki 4 Huittinen 1
Porvoo 4 Sonkajärvi 1
Karkkila 4 Ii 1
Ulvila 1 Naantali 1
Mynämäki 1 Lieto 1
Forssa 1 Pöytyä 1
Akaa 1 Mäntsälä 1
Pyhäranta 1 Kolari 1
Suintio 1 Eura 1
Kauniainen 1 Hollola 1
Pornainen 1 Ilmajoki 1
Hirvensalmi 1 Kempele  
Ääneköski 1 Heinola 1
Nokia 1 Sotkamo 1
Sipoo 1 Mustasaari 1
Pyhtää 1 Harjavalta 1
Laihia 1 Laitila 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 210 qof, tiradaasoo 7 qof ka badan intii daryeelka isbitaalka ku jirtay Talaadadii, Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  38 qof, waxaana Khamiistii kaddib ku soo kordhay 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 742 qof, kaddib dhimashada 2 qof oo cusub oo ay sheegtay maanta hay’adda THL.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 232 qof, kuwaasoo 1 167 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 64-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 347 082 qof (26.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       37 161 934     113 653 741
               844 207          2 521 289

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 29,052,262    77 377    2 414  520 785
2 Hindiya 11,063,038    16 568       119  156 861
3 Baraaziil 10,396,886    67 878    1 582  251 661
4 Ruushka   4,212,100    11 198       446    84 876
5 Ingiriiska   4,154,562      9 985       323  122 070
6 Faransiiska   3,686,813   25 403       261    85 582
7 Isbeyn   3,180,212      9 568       345    68 813
8 Talyaaniga   2,868,435    19 886       308    96 974
9 Turkey   2,674,766      9 572         73    28 385
10 Jarmalka   2,426,819    10 782        393    70 003
11 Kolombiya   2,241,225      3 683        136    59 396
12 Arjantiin   2,093,645      8 234        145    51 795
13 Meksiko   2,060,908      8 642     1 006  182 815
14 Poland   1,673,249    12 139        286    43 094
15 Iiraan   1,607,081      8 206          94    59 830
16 Konfur-Afrika   1,509,124      1 676        144    49 667
17 Ukriane   1,325,841      8 147        135    25 596
18 Indonesia   1,314,634      8 493        264    35 518
19 Peru   1,308,722      7 923        220    45 903
20 Czechia   1,198,323    13 793        126    19 915
21 Netherlands   1,073,971      5 011          32    15 438

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS