Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 519 qof oo hor leh

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Axad 01.08.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 519 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 107 321 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 93 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 248 qof. Gobolka Pirkanmaa waxaa laga helay 81 qof, gobolka Varsinais-Suomi waxaa laga helay 58 qof iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 20 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 120
Tampere 48
Espoo 41
Vantaa 35
Turku 29
Oulu 15
Rauma 14
Joensuu 10
Salo 10
Jyväskylä 10
Ylöjärvi 9
Lohja 8
Kouvola 8
Kuopio 8
Tuusula 7
Nurmijärvi 7
Nokia 6
Hamina 6
Kangasala 6
Järvenpää 5
Hyvinkää 5
Kirkkonummi 5
Lahti 5
Porvoo 5
Hämeenlinna 5
Inkoo 4
Kerava 4
Lempäälä 4
Laitila 4
Mikkeli 3
Äänekoski 3
Kaarina 3
Lappeenranta 3
Maarianhamina 2
Kajaani 2
Hämeenkyrö 2
Rovaniemi 2
Vaasa 2
Liperi 2
Lieto 2
Hollola 2
Sastamala 2
Naantali 2
Leppävirta 2
Uusikaupunki 2

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 65 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 7 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 985 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 11 222 oo qof, kuwaasoo 7 912 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 428 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 1 875 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 7 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 21.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3,7 milyan oo qof, taasoo u dhigmata 66,2 % tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1,9 milyan, taasoo u dhigmata 35,1 % tirada dadka Finland (01.08.).

Xigasho:YLE,HS