Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 203 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Sabti 31.10.2020 laga helay feyruska korona 203 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 16 133 qof.

Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (30 qof), Espoo (24 Qof), Turku (26 qof) Vantaa (18 qof), Vaasa (2), Oulu (8 qof), Pirkanmaa (14 qof), Kouvola (11 qof),

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 58 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 10 ka mid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.  Hay’adda THL waxaa ay sheegtaty in afar qof oo cusub ay u dhinteen feyruska, Tirada guud ee dhimashada waxaa ay maraysaa 358 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

19 168 059 45 671 902
 

Tirada u dhimatay feyruska

      506 077   1 190 098
 

Tirada ka bogsatay

  7 413 229 29 724 700 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 9,3 milyan 101, 461   988 235 159
2 Hindiya 8,01milyan 48 120    550 121 681
3 Baraaziil 5,5 milyan 23 126    529 159 562
4 Ruushka 1,5 milyan 18 283    355    27 656
5 Faransiiska 1,3 milyan 49 215    545    36 565
6 Spain 1,23 milyan 25 595    239    35 878
7 Arjantiin 1,14 milyan 13 379    350    30 792
8 Kolombiya 1,06 milyan 10 029    209    31 135

 

   Xigasho: YLE, Worldmeters.info