Finland waxaa laga helay 360 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Axad 13.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 366 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 30 810 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 66 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka feyruska korona. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 188 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 57 qof laga helay, iyo Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 23 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (109),Vantaa (43), Espoo (23), Turku (42), Oulu (16), Tampere (9), Naantali (6), Valkeakoski (4), Vaasa (4), Keski-Suomi (16), Päijät-Häme (12), Kanta-Häme (13), Kymenlaakso (6), Pohjois-Savo (5), Etelä-Savo (6), Pohjiis-Karjala (6)

Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki iyo Uusimaa,Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme, Pikanmaa, Keski-Suomi iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 240 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Toddoba maalmood gudahood waxaa tirada daryeelka isbitaalka ku jirta ku soo kordhay 94 qof, tirada qaybta xaaladda aadka u daran waxaa toddoba maalmood gudahood ku soo kordhay 5 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 453 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tirada dhimashada waxaa ku soo kordhay 38 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

21 186 825   72 220 112
 

Tirada u dhimatay feyruska

      476 359      1  613 863

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 16,5   milyan  220 298    2 309 305 082
  2 Hindiya 9,85   milyan    30 354       393 143 055
  3 Baraaziil 6,88   milyan    44 282       690 181 143
  4 Ruushka 2,62   milyan    28 137       560   46 453
  5 Faransiiska 2,36   milyan    13 947       194   57 761
  6 Ingiriiska 1,83   milyan    21 502       519   64 026
  7 Talyaaniga 1,82   milyan     19 903       649   64 036
  8 Turkey 1,80   milyan     29 136       222   16 199
  9 Spain 1,74   milyan   47 624
10 Arjantiin 1,49   milya       5 274        62   40 668
11 Kolombiya 1,41   milyan       8 163       197   38 866
12 Jarmalka 1,32   milyan     21 816       351   22 171
13 Meksiko 1,22   milyan     12 253       693  113 019
14 Poland 1,12   milyan     11 496       502    22 676
15 Iiraan 1,10   milyan       8 201       221    51 949
Xigasho : YLE,HS,WORLDOMETERS