Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 344 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Jimco 30.10.2020 laga helay feyruska korona 344 qof oo hor leh dalkaan Finland. Waana tiradii ugu badnayd ee hal mar intaas oo qof oo hor leh laga helo dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 15 910 qof.

Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waa magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa, taasoo tiradii shalay laga helay ay ku darsantay 178 qof..

Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (73 qof), Espoo (50 Qof), Turku (40 qof) Vantaa (34 qof), Vaasa (22), Oulu (16 qof), Salo (10 qof) iyo Pirkanmaa (13 qof), Kantahame (11 qof), Rovaniemi (5 qof).

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 58 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 10 ka mid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.  Hay’adda THL waxaa ay sheegtaty in afar qof oo cusub ay u dhinteen feyruska, Tirada guud ee dhimashada waxaa ay maraysaa 358 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 18 795 519 45 148 790
Tirada u dhimatay feyruska 502 214 1 182 908
Tirada ka bogsatay 7 339 313 30 360 062

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub  dhimashada  Tirada guud dhimashada
1 Maraykanka 9,2 milyan 91 530 1 047 234 177
2 Hindiya 8,0 milyan 49 281    568 12 1131
3 Baraaziil 5,5 milyan 26 647    565 159 033
4 Ruushka 1,5 milyan 17 717    366    27 301
5 Faransiiska 1,2 milyan 46 637     235    36 020
6 Spain 1,23 milyan 23 580     173    35 639
7 Arjantiin 1,14 milyan 13 267     371    30 442
8 Kolombiya 1,05 milyan 11 187     173    30 926

 

Xigasho: YLE, Worldmeters.info