Talosoojedinta ku saabsan qaadashada afshareerka oo la adkeeyay

Kulan loo qabtay Waalidiinta iyo Dhalinyarada deggan Vuosaari oo ka dhacay Bariga Helsinki. Sawirka: Suomen Somali Media

Kooxda shaqada ee isuduwidda howlaha korona ee caasimadda iyo nawaaxigeeda ayaa maanta soo saaray qaabab cusub oo looga hortagaayo faafista feyruska korona.

Qaababkaan cusub iyo howlaha la qabanaayo ayaa waxaa ay si gaar ah ugu wajahan yihiin sidoo looga hortagi lahaa cudurkaan safmarka ah goobaha ay midka yihiin maqaaxiyaha, goobaha guud iyo kuwo gaarka ah ee adeegyada iyo munaasabadaha gaarka ah.

Waxaana gudigu ay si xoog leh u soo jeediyeen isticmaalka afshareerka.

Khubarada dhanka sharciyada ayaa tilmaamay in arrinkaan uusan ahayn mid khasab ah, laakiin uu yahay mid la xiriira dhanka moraalka qofka. Waana arrin suurtaggal ah in adeeg bixiyaha gaarka ah sida dukaamada iyo goobaha la isugu yimaado ay shardi ka dhigaan, in qofkii ka adeeganaaya goobtooda uu isticmaalo afshareerka. Waxaana ay khubaradu sheegeen in haddii qofka adeegbixiyaha ah uu u arko in arrinkaan uu muhiim yahay sida ay hawlwadeennada caafimadkuba soo jeediyeen, uu u diidi karo qofka aan afshareerka isticmaalin in uu u adeego, ama uu dhex joogo goobtiisa adeegga.

Wali ma jiraan wax  go’aamo khasab ah oo ku saabsan isticmaalista afshareerka ama wax ganaax ah oo ku saabsan qofkii isticmaali waaya, oo ka soo baxay dhanka dowladda. Laakiin waa arrin suurtaggal ah in dowladdu ay go’aamo cusub arrinkaas ka soo saarto haddii xaaladda faafista feyrusku ay ka sii darto.

Xiagasho: YLE