Finland waxaa laga helay maanta 726 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah iyo 4 xaaladood oo dhimasho ah

Khamiis 25.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 726 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 74 242 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 633 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 85 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 409 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 131 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 40 qof, iyo Päijät-Häme oo laga helay min 26 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 228 Järvenpää 4
Vantaa 58 Kirkkonummi 4
Espoo 68 Porvoo 3
Turku 90 Tuusula 4
Tampere 25 Vihti 2
Jyväskylä 15 Sipoo 2
Lähti 21 Askola 2
Kerava 12 Naantali 2
Hyvinkää 9 Laitila 2
Karkkila 8 Rusko 3
Raiso 10 Pöytyä 2
Salo 7 Nokia 2
Kaarina 6 Sastamala 2
Lieto 5 Vaasa 3
Valkeakoski 4 Vöyri 2
Oulu 6 Pori 3
Laukaa 5 Eura 3
Toivakka 6 Säkylä 2
Hämeenlinna 5 Riihimäki 3
Forssa 6 Tammela 2
Kuopio 9 Kouvola 3
Kotka 5 Pieksämäki 3
Mikkeli 12 Seinäjöki 2
Lappeenranta 11 Joensuu 2

 

Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 287 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  59 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 815 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in maanta 4 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 963 qof, kuwaasoo 1 823 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 139-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 783 740 oo qof (25.03)

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 

41 943 376

 

48 680 103

 

 

Tirada u dhimatay feyruska

 

 

930 742

 

 

1 232 606

Xigasho: YLE, HS,WORLDOMETERS