Finland waxaa laga helay maanta 124 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 3 xaaladood oo dhimasho ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 11.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 124 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 88 990 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 829 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 39 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Vantaa 24
Helsinki 23
Turku 19
Espoo 9
Tampere 7
Kokkola 5
Salo 4
Järvenpää 3
Kotka 2
Paimio 2
Kauhajoki 2
Lieto 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 114 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  26 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 927 qof, kaddib markii ay hay’adda THl sheegtay maanta dhimashada 3 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 946 oo qof, kuwaasoo 4 924 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 020 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 07.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 972 784 oo qof (11.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 159 700 023 51486 300
Tirada u dhimatay feyruska 3 319 936 1 094 439

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS