Guddiga kahortagga COVID-19 ee Puntland oo hakiyey dhammaan hawlihii waxbarashada ee Puntland

Jimco 09.04.2021. Guddiga ka hortagga COVID-19 ee Puntland ayaa si ku-mmeelgaar ah u joojiyay dhammaan howlihii waxbarashada ee ka socday xarumaha kala duwan ee  dugsiyada waxbarashada aasaasiga ah, macaahidda iyo  jaamacadaha, waxaana gudigu uu go’aamiyay in waxbarashada lagu sii wadi doono barnaamijka fogaan aragga ee dhinaca intenetka.

Gudiga ayaa u soo jeediyay dadweynaha reer Puntland inaysan tagin goobaha cilaajka ee dadku isugu yimaado iyo dhammaan goobaha kale ee dadku ku kulmaan, si looga feejignaado halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 oo mowjaddisii labaad ay bilaabatay.

Guddiga kahortagga COVID-19 ee Puntland, ayaa maadaama ay bishii barakaysnayd ee Ramadaan foodda nagu soo hayso, waxaa ay fareen mas’uuliyiinta masaajida in waqtiyada salaadaha la tukanaayo la isu jirsado masaafo dhan 2-mitir, iyadoo la soo gaabinaayo salaadaha Taraawiixda iyo Jimcaha .

Ugu dambaynna waxaa gudigu ugu baaqay bulshada reer Puntland in ay qaataan tallaalka ka hortagga caabuqa COVID-19 -ka, si looga hortago halista cudurka safmarka ah ee korona.

Xigasho:Raadiyo Muqdisho