Finland waxaa laga helay maanta 438 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 2 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Talaada 09.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 438 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 48 407 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 71 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 258 qof, gobolka Vaasa oo laga helay 47 qof, iyo gobolka Keski-Suomi oo laga helay 32 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 128 qof, Vantaa: 67 qof , Jyväskylä: 30 qof, Vaasa: 28 qof, Espoo: 18 qof, Vaasa: 28 qof, Tampere: 15 qof, Turku: 11 qof, Tuusula: 7 qof, Riihimäki iyo Savonlinna: min 6 qof, Kirkkonummi, Porvoo, Lohja, Mustasaari: 5 qof, Järvrnpää iyo Kalajoki, Närpiö,Kerava, Lahti, Kouvola, Karvia:min  4 qof, Magaalooyinka kala ah Nurmijärvi, Siuntio, Raisio, Masku, Oulu, Kristiinakaupunki, Lappeenranta : min 3 qof, magaalooyinka Hyvinkää, Kauniainen, Karkkila, Kaarina, Uusikaupunki, Paimio, Pälkäne, Rauma, Ikaalinen: Ylivieska, Vöyri, Uusikaarlepyy, Orimattila, Hämeenlinna, iyo Maarianhamina: min 2 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 129 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 15 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 703 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shaaca ka qaadday maanta dhimashada 2 qof oo hor leh.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 173 558 qof (9.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

     34 715 999    107 092 258
           777 954         2 338 469

 

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 27,700,629    87 031   1 489  476 405
2 Hindiya 10,847,790      8 947        81  155 195
3 Baraaziil   9, 550,301    25 661      687  232 248
4 Ruushka   3,983,197    15 916      407    77 068
5 Ingiriiska   3,959,784    14 104      333  112 798
6 Faransiiska   3,341,365     4 317      458    79 423
7 Isbeyn   2,989,085    19 305      303    62 295
8 Talyaaniga   2,644,707      7 970      307    91 580
9 Turkey   2,539,559      8 103      103    26 900
10 Jarmalka   2,296,326      4 816      469    62 597
11 Kolombiya   2,161,462       4 246      297    56 290
12 Arjantiin   1,985,501       5 154      227    49 398
13 Meksiko   1,932,145      6 065     414  166 200
14 Poland   1,552,656      2 401       46    39 133
15 K/afrika   1,477,511      1 376      183    46 473
16 Iiraan   1,473,756       7 321        67    58 536
17 Ukriane   1,246,990       2 141        47    23 644
18 Peru   1,191,221       4 523      159    42 467
19 Indonesia   1,166,079       8 242      207    31 763
20 Czechia   1,037,469       2 449      107    17 430
21 Netherlands   1,007,981       2 221          25     14 428

 

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS