Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale, 840 iyo 9 dhimasho ah

Finland waxaa laga helay 840 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 9 xaalad oo dhimasho ah

 Khamiis 10.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 840 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 29 572 qof. Waxaa tiradaas aadka u badan ee maanta la sheegay ku jira 470 qof oo cillado farsamo awgeed aan hore tirada loogu darin, tiradaasoo ka mid ahayd dadkii laga helay cudurka intii u dhexetsay 2-8 bisha December.

Iskudarka guud illaa iyo 94 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 317 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 145 qof, Varsinais-Suomi oo 82 qof laga hela, Päijät-Häme o laga helay 69 qof, Keksi-Suomi oo 46 qof ah iyo Pohjos-Pohjanmaa oo laga helay 36 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (176), Vantaa (78), Espoo (36), Turku (52), Tampere (81), Lahti (49), Jyväskylä (32),Oulu (28), Hämeenlinna (22), Joensuu (29), Vaasa (18), Pirkkala (18), Pieksämäki (16), Hollola (12), Valkekakoski (10), Lempäälä (9), Kouvola (8), Kangasgala (7), Nokia (7),  Salo (5), Satakunta (5), Raisio (5), Ylöjärvi (5), Järvenpää (4), Kauniainen (4),  Heinola (4), Rovanimei (4), Ahvenamaa (4).

Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki Uusimaa, Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme Pikanmaa, Keskis-Suomi iyo gobolka Pohijois-Pohjanmaa.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 244 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 25 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 442 qof, kaddib markii 9 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona sida ay sheegtay maanta hay’adda THL.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

20 095 100   69 391 188
 

Tirada u dhimatay feyruska

     459 868      1  578 759

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 15,8  milyan  226 762    3 260 296 715
  2 Hindiya 9,76  milyan    26 351       337 141 735
  3 Baraaziil 6,73   milyan    54 203       848  179 032
  4 Ruushka 2,54   milyan    26 190       559   44 718
  5 Faransiiska 2,32   milyan    14 595       296   56 648
  6 Talyaaniga 1,77   milyan    12 756       499   61 739
  7 Ingiriiska 1,76   milyan    16 578       533   62 566
  8 Isbeyn 1,72   milyan      4 886       186   47 019
  9 Arjantiin 1,47   milyan      5 303       213   40 222
10 Kolombiya 1,39   milyan      7 523       150   38 308
11 Jarmalka 1,24   milyan     23 928       543   20 704
12 Mexico 1,19   milyan     11 006       800  110 874
13 Poland 1,08   milyan    12 169       568    21 160
14 Iiraan 1,07   milyan    10 223       295    51 212

Xigasho :YLE,HS,WORLDOMETER