Finland waxaa laga helay maanta 779 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Arbaco 10.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 779 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 63 889 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 8 767 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 93 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 491 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 90 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo 49 qof ah iyo gobolkaPäijät-Häme oo 26 qof ah.

Magaalooyinka tirada ugu badan laga helay waxaa ka mid ah:

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 236 Kauniainen 4
Vantaa 103 Raasepori 4
Espoo 91 Karkkila 4
Turku 55 Salo 3
Tampere 34 Kaarina 3
Järvenpää 4 Raiso 6
Kerava 4 Uusikaupunki 4
Nurmijärvi 5 Loimaa 5
Kirkkonummi 6 Oripää 3
Hyvinkää 6 Lempäälä 3
Porvoo 5 Ylöjärvi 3
Lohja 8 Kangasala 4
Vihti 4 Oulu 11
Pyhäjoki 3 Vaasa 3
Jyväskylä 8 Lahti 18
Rauma 11 Pori 4
Janakkala 4 Loppi 4
Hämeenlinna 3 Riihimäki 3
Kuopio 5 Kouvola 3
Mikkeli 8 Lappeenranta 10
Imatra 3 Taipalsaari 4

 

Inta kale ee soo hartay ee magaalooyinka cudurka laga helay ka mid ahna, waxaa laga helay qaarkood min 2 qof, kuwa kalena min 1 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 256 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  43 qof, waxaana tiradii shalay ku korotay 3 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 779 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 295 qof, kuwaasoo 1 223 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 71-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 515 218 oo qof (10.03)

  • 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).
  • Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.
  • Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollada ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.
  • Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunweynaha oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       38 900 2687     118 291 325
             881 519          2 624 585

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 29,801,506    55 683    1 704  540 574
2 Hindiya 11,261,470    16 846       113  158 079
3 Baraaziil 11, 125,017    69 537    1 954  268 568
4 Ruushka   4,324,474      9 445       336    89 809
5 Ingiriiska   4,228,998      5 766       231  124 797
6 Faransiiska   3,932,862    23 302       316    89 301
7 Isbeyn   3,164,983      4 013       291    71 727
8 Talyaaniga   3,101,093    19 749       376 1 00 479
9 Turkey   2,807,387    13 755         66    29 160
10 Jarmalka   2,520,609      6 841        283    72 981
11 Kolombiya   2,282,372      3 511         78    60 676
12 Arjantiin   2,162,001      7 307        131    53 252
13 Meksiko   2,130,477      1 877        319  190 923
14 Poland   1,811,053      9 971        282    45 599
15 Iiraan   1,706,559      8 554         81    60 867
16 Konfur-Afrika   1,522,697         991        103    50 906
17 Ukriane   1,410,061     3 261          76    27 204
18 Indonesia   1,392,945      6 389        210    37 757
19 Peru   1,380,023      5 556        190    48 163
20 Czechia   1,355,999    10 594        207    22 280
21 Netherlands   1,128,202      4 293          56    15 917

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS