Finland waxaa laga helay maanta 496 xaaladood oo feyruska korona iyo shan xaaladood oo dhimasho cusub ah

Arbaca 27.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 496 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 43 616 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 74 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 268 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 93 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo  22 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 115 qof, Vantaa: 69 qof, Turku: 37 qof, Espoo: 33 qof, Pori: 16 qof, Oulu: 15 qof , Jyväskylä: 11 qof, Kuopio: 9 qof,  Tampere: 8 qof, Kouvola: 8 qof, Laitila: 8 qof, Raiso: 7 qof, Kaarina: 7 qof, Naantali: 7 qof, Uusikaupunki: 7 qof. Magaalooyinka Karkkila, Tuusula, Parainen iyo Vihti: waxaa laga helay min 6 qof. Magaalooyinka Tornio, Kotka, Kerava: min 5 qof. Magaalooyinka kala ah: Porvoo, Mäntsälä, Loimaa min 4 qof. Sidoo kale magaalooyinka kala ah Rauma, Lahti, Siilinjärvi, Uusikaarlepyy, Orimattila, Vaasa, Kuusamo: min 3 qof. Magaalooyinka Hamina, Iisalmi, Pyhtää, Sipoo, Joensuu, Kirkkonummi, Kannus, Pöytyä iyo Laukaa: waxaa laga helay min 2 qof, inta kale ee magaalooyinka soo harayna waa min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 148 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 20 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 660 qof, kaddib markii hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee Finland ay sheegtay maanta dhimashada 5 qof oo hor leh.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

   32 472 771    100 922 270
         711 951       2 169 466

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 26    milyan  148 265     4 045  435 452
2 Hindiya 10,7 milyan   12 569        127  153 751
3 Baraaziil 8,93 milyan    63 626     1 206  218 918
4 Ruushka 3,75 milyan    18 241        564   70 482
5 Ingiriiska 3,68 milyan    20 089     1 631  100 162
6 Faransiiska 3,07 milyan    22 086        417    74 106
7 Isbeyn 2,73 milyan    36 435        591    56 799
8 Talyaaniga 2,48 milyan    10 593        541    86 422
9 Turkey 2,44 milyan      7 103        134    25 344
10 Jarmalka 2,16 milyan      8 457        988    54 390
11 Kolombiya 2,04 milyan    13 606        381    52 128
12 Arjantiin 1,88 milyan    10 409        219    47 253
13 Meksiko 1,77 milyan      8 521        659  150 273
14 Poland 1,48 milyan      4 605        264    35 665
15 K/afrika 1,42 milyan      6 041        680    41 797
16 Iiraan 1,38 milyan      6 420          79    57 560
17 Ukriane 1,19 milyan      2 779        133    22 057
18 Peru 1,10 milyan      4 444        220    40 107
19 Indonesia 1,01 milyan    13 094        336    28 468
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS