Finland waxaa laga helay maanta 380 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2 dhimasho cusub ah

imco 16.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 380 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 83 633 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 4 962 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 76 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay150 qof,  gobolka Pirkanmaa oo laga helay 57 qof,  gobolka Varsinais-Suomi waxaa  laga helay 40qof iyo gobolka Päijät-Häme oo laga helay 42 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 461 Raahe 3
Tampere 40 Nurmijärvi 3
Lahti 36 Kurikka 2
Espoo 33 Finström 2
Vantaa 32 Kouvola 2
Turku 22 Eura 2
Salo 7 Sastamala 2
Kangasala 7 Keuruu 2
Porvoo 6 Lohja 2
Oulu 5 Siilinjärvi 2
Hollola 5 Jämsä 2
Kotka 5 Tornio 2
Savonlinna 5 Janakkala 2
Seinäjoki 4 Tuusula 2
Hämeenlinna 4 Mustasaari 2
Jyväskylä 4 Lumijoki 2
Laukaa 4 Valkeakoski 2
Lieto 4 Imatra 1
Ylivieska 3 Jomala 1
Kerava 3 Kirkkonummi 1
Hamina 3 Rauma 1
Kokemäki 3 Kokkola 1
Raiso 3 Kaarina 1
Järvenpää 3 Muhos 1

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 161 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  34 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 887 qof, kaddib markii ay maanta hay’adda THl sheegtay dhimashada 2 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 27 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4200 oo qof, kuwaasoo 3 658 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 541-ka kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 267 678 oo qof (16.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 47 262 762 139 807 715
Tirada u dhimatay feyruska  1 014 099 3 002 302

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS