Finland waxaa laga helay maanta 160 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 22 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Isniin 28.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 160 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 35 137 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 33 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 89 qof, Gobolka Varsinais-Suomioo 35 qof.

Laba toddobaad gudahood waxaa tirada feyruska laga helay ay tahay 4 027, taasoo 2 171 qof ka yar tiradii labadii toddobaad ee ka sii horreeyay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 42 qof, Turku: 19 qof, Espoo: 17 qof , Vantaa: 17 qof, Kaarina: 9  qof, Lahti: 8 qof, Jyväskylä: 5 qof, Tampere: 4 qof, Pori: 3 qof, Lohja: 3 qof, Nurmijärvi: 3 qof.

Naantali, Ii, Kirkkonummi, Oulu, Kuopio, Tuusula, Sipoo, Raisio: Oo dhammaantood laga helay min 2 qof.

Lieto, Salo, Kerava, Tornio, Kotka, Evijärvi, Pyhäntä, Hamina, Laukaa, Muhos,Vaasa, Pieksämäki, Joensuu: oo dhammaantood laga helay min 1 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 237 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 29 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 546 qof, kaddib markii ay maanta hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ay maanta sheegtay 22 xaaladood oo dhimasho hor leh.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 25 535 400    81 193 597
 

Tirada u dhimatay feyruska

    550 055    1  737 080

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 19,5   milyan  127 740    1 215 341 138
  2 Hindiya 10,2   milyan    20 333       281 147 940
  3 Baraaziil 7,48   milyan    18 479       331 191 146
  4 Ruushka 3,05   milyan     28 284       552   54 778
  5 Faransiiska 2,56   milyan       8 822       173   62 746
  6 Ingiriiska 2,28   milyan     30 501       316   70 752
  7 Turkiga 2,14   milyan     14 205       254    19 878
  8 Talyaaniga 2,04   milyan       8 913       305    71 925
  9 Isbeyn 1,87   milyan    49 824
10 Jarmalka 1,65   milyan     12 153       345    30 502
11 Kolombiya 1,59   milyan       9 594       228    42 171
12 Arjantiin 1,58   milyan       5 030       149    42 650
13 Meksiko 1,37   milyan       4 974       189  122 026
14 Poland 1,25   milyan       3 678         57    27 118
15 Iiraan 1,20   milyan        5 502       119    54 693
16 Ukarine 1,02   milyan        6 133          72    17 774
17 Peru 1,01   milyan        1 339          60    37 474
 18 K/Afrika 1,00   milyan        9 502         214     26 735

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS