Finland waxaa laga helay maanta 290 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 13.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 290 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 98 505 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 54 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 87
Tampere 33
Espoo 30
Lahti 29
Turku 17
Jyväskylä 7
Nurmijärvi 6
Oulu 6
Pirkkala 5
Rovaniemi 5
Mäntsälä 4
Porvoo 4
Kangasala 4
Raisio 3
Kouvola 3
Lohja 2
Tuusula 2
Hollola 2
Joensuu 2
Hämeenkyrö 2
Lempäälä 2
Kirkkonummi 2
Riihimäki 2
Kerava 2
Hämeenlinna 2
Kuopio 2
Seinäjoki 2
Ylöjärvi 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 46 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 9 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 976 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 9 579 oo qof, kuwaasoo 7 715 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 424 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 435 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 5 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 07.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3 485 054 oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 24,4 boqolkiiba oo qof (13.07.).

Xigasho:YLE,HS