Wararka caalamka ee maanta iyo feyruska korona

Finland waxaa laga helay 25 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, iyo laba xaaladood oo dhimasho ah

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Arbaca 16.9.2020 laga helay feyruska korona 25 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 8 750 qof.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in feyruska awgiis ay haatan daryeelka isbitaalka ugu jiraan14 qof, waxaana tiradii hore ugu jirtay isbitaalka ku soo kordhay 4 qof. Qaybta xaaladaha aadka u daran waxaa ku jira 3 qof. Tirada guud ee u dhimatay feyruska korona illaa iyo haatan waa 339 qof.

Dadka ka bogsaday xanuunka waxaa tiradooda lagu qiyaasayaa in ay yihiin 7700 qof, taasoo noqoneysa 85 % tirada la xaqiijiyay ee uu ku dhacay feyruska korona.

Ablikeeshinka koronavilkku waxaa durabadiiba isticmaalaya tiro lagu qiyaasay laba milyan oo qof

 Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL, waxaa ilaa iyo imminka soo degsaday oo isticmaalaya ablikeeshinka koronavilkku, dad tiradooda lagu qiyaasay laba milyan oo qof.

Cadadkaas waxaa la gaaray laba toddobaad kaddib markii ablikeeshinka la soo dhigay suuqayada ablikeeshinnada.

Illaa iyo haatan waxaa in uu feyrusku ku dhacay ku soo sheegay dhanka ablikeeshinka 218 qof oo ablikeeshinka isticmaala.

35% qof oo uu ku dhacay feyruska korona ayaa qaadista feyruska ay qaadeen ku soo sheegay ablikeeshinka mudadii u dhexeysay 1-15.9

 Hindiya

Tirada dadka cusub ee laga helay feyruska waa 90.000 oo qof oo cusub,iyadoo tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waxaa ay kor u dhaaftay 5 milyan oo qof.

Tirada dadka u dhintay feyruska korona awgiis waa 1100 qof oo hor leh, tirada guud ee dhimashadana waa 82 000 oo qof.

Faransiiska

Wasaaradda caafimaadka ee faransiiska waxaa ay sheegtay in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay tirada dadka laga helay feyruska korona ay gaareyso 7852 qof. Wasaaraddu waxaa kaloo ay sheegtay in tirada dadka u galay feyruska awgiis daryeel isbitaal ay gaareyso 2713 qof. Waxaana u dhintay feyruska afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay dad gaaraya 37 qof, taasoo tirada guud ee dhimashada tan iyo markii uu xanuunkan safmarka ah bilowday ka dhigaysa 30 999 qof.

Kanada

 Sida ay sheegtay wasiiradda caafimaadka ee Kanada Patty Hajdu, waa arrin suurtaggal ah in dalka Kanada uu mar kale soo rogo xayiraadda go’doominta guud ee dadka la gelinaayo, haddi arrinkaas loo baahdo, iyadoo ay tirada dadka uu ku dhacaayo feyruska kororna aad u sii badaneyso.

Waxaana ay sheegay Patty Hajdu in xukuumadda dalkeedu ay diyaar u tahay in ay si weyn uga hortagto faafista feyruska korona.  Waxaana ay sheegtay in go’doomin guud oo la galaa ay dhibaato weyn ku tahay xagga dhaqaalaha dalka, haddana waxaa arrinkaas nagala muhiimsan ayay tiri caafimaadka dadka.

 

Isha warka / HS, Aljazeera