Magaalada Helsinki oo shaaciysay goobaha lagu qaybinayo af-shareerka (Kasvomaskit) lacag la’aanta ah

Helsinki 21.8.2020- War maanta ka soo baxay magaalada Helsinki ayaa lagu shaaciyay liiska goobaha lagu qaybinayo af-shareerka lacag la’aanta ah ee loogu talaggalay dadka magaalada deggan ee saboolka ama faqriga ah.

Warkan magaalada ka soo baxay ayaa lagu sheegay in qof kasta oo magaalada deggan uu isagu mas’uul ka yahay isticmaalka, soo gadashada iyo bixinta kharashka ku baxaya af-shareerka.

Si kastaba ha ahaatee, maadaama saraakiisha caafimaadka iyo dowladda Finland ay soo jeediyeen in la isticmaalo af-shareerka marka meelaha qaar la joogo, ayeey magaaladu caddaynaysaa in qofkii aan dhaqaale ahaan awoodin in uu soo gato af-shareer uu helayo goob uu ka soo qaato af-shareerka loogu talaggalay dadka saboolka ah ee ku nool magaalada Helsinki.

Warkan magaalada ka soo baxay ayaa dhanka kale lagu sheegay in bixinta af-shaereerku ay ku saleysantahay kalsooni, taas oo ka dhigan in qofka la siinayo aan looga baahnayn in uu keeno caddayn muujinaysaa saboolnimadiisa.

Af-shareer ama af-saab

Hoos ka aqriso goobaha dadka magaalada deggan loogu qaybinayo af-shareerka lacag la’anta ah iyo weliba maalmaha la qaybinayo:

JIMCO 21.8. (waa la soo dhaafay)

  • Asukastalo Malmin toimintakeskus
    Kirkonkyläntie 2
    Saacadda u dhexeysa 10-14
  • Kumppanuustalo Hanna (Alppila)
    Sturenkatu 12
    Saacadda u dhexeysa 10-14

SABTI 22.8.

  • SPR Käpylä-Kallio
    Hämeentie 85-89
    Saacadda u dhexeysa 10-15

TALAADO 25.8

  • Asukastalo Malmin toimintakeskus
    Kirkonkyläntie 2
    Saacadda u dhexeysa 10-14
  • Pihlajamäen lähiöasema
    Liusketie 3A
    Saacadda u dhexeysa 10-14
  • Matteuksenkirkon Varustamo (Itäkeskus)
    Turunlinnantie 3
    Saacadda u dhexeysa 10-13

ARBACO 26.8

  • Asukastalo Malmin toimintakeskus
    Kirkonkyläntie 2
    Isniin- Jimco Saacadda u dhexeysa 10-14
  • Pihlajamäen lähiöasema
    Liusketie 3A
    Isniin- Jimco Saacadda u dhexeysa 10-14
  • Matteuksenkirkon Varustamo (Itäkeskus)
    Turunlinnantie 3
    Isniin- Jimco Saacadda u dhexeysa 10-13
  • Kumppanuustalo Hanna (Alppila)
    Sturenkatu 12
    Isniin, Arbaco iyo Jimco Saacadda u dhexeysa 10-14
  • SPR Kallio-Käpylä HUOM JAKO 27.-30.8.
    Hämeentie 85-89
    Khamiis 27.8. – Jimco 28.8. Saacadda u dhexeysa 17.30-19.30 iyo Sabti  29.8. – Axad 30.8. Saacadda u dhexeysa 10-15
  • SPR Herttoniemi OGEYSIIS! WAXAA LA QAYBINAYAA 28.-30.8.
    Siilitie 7 T
    Jimco 28.8. Saacadda u dhexeysa 17.30-19.30 iyo Sabti 29.8.- Axad 30.8. Saacadda u dhexeysa 13-16
  • SPR Itä-Helsinki
    Korsholmantie 9 G
    Axad 30.8. Saacadda u dhexeysa 13-16
  • Toimintakeskus Jenny (Malminkartano)
    Beckerintie 9
    Isniin Saacadda u dhexeysa 14-15 iyo Jimco Saacadda u dhexeysa 15.30-16
  • Munkkivuoren kirkko
    Raumantie 3
    Arbaco Saacadda u dhexeysa 14-15, Khamiis Saacadda u dhexeysa 18-19
  • Hermannin diakoniatalon Varustamo, OGEYSIIS! LAGA BILLAABO 1.9.
    Hämeentie 73
    Isniin- Jimco Saacadda u dhexeysa 9.30-13
  • Huopalahden kirkko OGEYSIIS! LAGA BILLAABO 1.9.
    Vespertie 12
    Khamiis Saacadda u dhexeysa 12-13

Isha warka: Magaalada Helsinki