Finland waxaa laga helay maanta 465 xaaladood oo feyruska korona iyo 14 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Finland waxaa laga helay maanta 465 xaaladood oo feyruska korona iyo 14 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Isniin15.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 465 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 67 334 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 270 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 63 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 301 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 47 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 26 qof, iyo gobolka Kanta-Häme oo laga helay 23 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan laga helay waxaa ka mid ah:

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 168 Kauniainen 2
Espoo 65 Sipoo 2
Vantaa 43 Nokia 2
Turku 37 Virolahti 2
Hämeenlinna 14 Kuopio 1
Tampere 13 Laihia 1
Lappeenranta 11 Punkalaidun 1
Jyväskylä 8 Loppi 1
Lahti 8 Mäntsälä 1
Kouvola 7 Kotka 1
Kaarina 6 Akaa 1
Ylöjärvi 6 Kittilä 1
Porvoo 6 Hausjärvi 1
Nurmijärvi 5 Hanko 1
Hyvinkää 4 Uurainen 1
Janakkala 3 Hamina 1
Heinola 3 Keuruu 1
Mikkeli 3 Vaasa 1
Oulu 3 Taipalsaari 1
Rauma 3 Vihti 1
Rihimäki 3 Mustasaari 1
Lemland 2 Hollola 1
Iitti 2 Kirkkonummi 1
Forssa 2 Tornio 1
Kerava 2 Virrat 1
Hankasalmi 2 Parainen 1
Jämsä 2 Kangasala 1
Kuusamo 1 Eura 1
Pori 1 Rovaniemi 1
Sauvo 1 Sauvo 1
Pukkila 1 Kemi 1
Eurajoki 1 Rusko 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 274 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  50 qof. Tiro gaarsya 19 qof ayaa ku soo kortay intii jimcaha ku jirtay daryeelka isbitaalka. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 800 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta 14 xaaladood oo dhimasho cusub ah. Laba toddobaad gudahood waxaa dalkaan Finland xanuunka feyruska korona awgiis ugu geeriyooday 44 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 736 qof, kuwaasoo 1 633 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 102-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 597 500 oo qof (15.03)

  • 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).
  • Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.
  • Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollada ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.
  • Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunka oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       39 876 913     120 499 017
               897 006          2 666 824

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 30,081,657    36 896       629  547 234
2 Baraaziil 11,483,370    44 120    1 111  278 327
3 Hindiya 11, 385,158    26 514       120  158 762
4 Ruushka   4,390,608    10 083      395    92 090
5 Ingiriiska   4,258,438      4 618         52  125 516
6 Faransiiska   4,071,662     26 343       114    90 429
7 Talyaaniga   3,223,142     21 315       264  102 145
8 Isbeyn   3,183,704             72 258
9 Turkey   2,879,390    13 378         68    29 489
10 Jarmalka   2,578,835      8 985          52    73 959
11 Kolombiya   2,303,144      4 062          97    61 143
12 Arjantiin   2,195,722      3 697         24    53 670
13 Meksiko   2,163,875      6 104        639  194 490
14 Poland   1,906,631    17 258        110    47 178
15 Iiraan   1,746,953      7 593          88    61 230
16 Konfur-Afrika   1,529,420      1 006          65    51 326
17 Ukraine   1,460,756      9 012         145    28 303
18 Indonesia   1,419,455      4 714           97    38 426
19 Peru   1,412,406      4 443         162    49 003
20 Czechia   1,399,129       6936         129    23 291
21 Netherlands   1,157,192       5 974           23    16 069

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS