Munaasabad faneed Helsinki ka dhacday oo laga cabsi qabo in la isku qaadsiiyay feyruska Korona

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dad u soo daawasho tegay munaasabad faneed ka dhacday magaalada Helsinki ay halis ugu jiraan in ay qaadaan xanuunka feyruska korona.

Sida uu sheegay wargeyska ”Helsingin Sanomat” waxaa la helayaa warar tilmaamaya in ay suurtaggal tahay, in feyruska korona la isku qaadsiiyay munaasabad  muusig oo loogu magacdaray Ääniwallin Vum Open Air, taasoo Axaddi la soo dhaafay ka dhacday magaalada Helsinki .

Waaxda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee magaalada Helsinki ayaa sheegtay in qaar kamid ah dadkii ka qeybgalay munaasabaddan laga helay feyruska korona.

Sidoo kale waxaa suurtaggal ah in jiraan dadka kale oo iyaguna qaaday feyruska korona, kuwaas oo ka qeybgalay musaansabad tan oo kale oo Axaddii bishan Agoosto ay aheyd 02.08.2020 lagu qabtay isla magaalada Helsinki.

Waaxda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee magaalada Helsinki ayaa dhanka kale sheegtay, in dadkii ka qeybgalay labadaan munaasabadood lagu boorinayo in ay si  dhab ah ula socdaan xaaladdooda caafimaad muddo laba toddobaad ah oo laga soo billaabayo maalinkii munaasabadda la qabtay. Waxaa kale oo dadkan lagu boorinayaa in ay baaritaan aadaan, xitaa haddii ay isku arkaan wax astaamo cudur ah khafiifba ha ahaadaanee.

Waxaa si weyn looga baqanayaa in guud ahaan dalka Finlnad uu markale dib uga laba-kacleeyo xanuunka safmarka ah ee uu keeno feyruska korona. Hawlwadeennada caafimaadka ayaa sheegaya in mowjaddii labaad ee Korona ay haatan ku dhufatay Finland, sidaas darteedna loo baahanyahay in wadajir looga shaqeeyo sidii loo hakin lahaa fiditaanka feyruska korona.

Waxaa qoray Abdirizak Sugulle

Xuquuqda sawirka: City-lehti