Xafladaha la isugu yimaado oo si aad feyruska korona loogu kala qaadaayo iyo feyruska oo ku soo badanaaya dhalinyarada dhexdooda.

Sida ay tirakoobyadii ugu dambeeyay tilmaamayaan, labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada laga helay feyruska korona waa ay labanlaabantay. Tirada ugu badan waxaa laga helay magaalada Helsinki iyo nawaaxigeeda. Waxaana Xanuunku uu si aad ah ugu soo badanayaa dhalinyarada da’doodu u dhexeyso 20-39, sidaasna waxaa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay qabteen qaar ka mid ah dhakhaatiirta isbitaalka jaamacadda ee HUS.

Eeva Routsalainen oo ah dhakhtarad sare oo ka howlgasha isbitaalka Jaamacadda ayaa sheegtay in dhalinyarannimadu aysan qofka ka badbaadineyn qaadista cudurrada halista ah. Waa arrin suurtaggal ah bay tiri in qofka dhalinta yar uusan xaanuunka awgiis u baahan isbitaal ama xarunta xaaladaha degdegga ah, waana sababta ay ugu yar yihiin isbitaalka gudihiisa. Waxaana ay dhakhtaraddu sheegtay in wali aan xaalkaas la qiyaasi karin, waayo qofku waxaa uu daryeel isibitaal u baahdaa marka uu xanuunku hayo toddoba illaa toban maalmood.

Xaaladda faafista cudurka koronka ayaa haatan mareysa inta u dhexeysa 0,2-0,7 oo ah halbeegga lagu cabiro khatarta cudurku inta ay le’egtahay. Waxaana dhakhaatiirtu ay sheegeen in hal darajo oo kaliya ay ka hooseeyso xaaladda khatarta ah. Waxaa kaloo iyana dhibaatadu ka taagan tahay, yadoo aan inta badan la ogeyn halka ay faafista cudurku ay ka soo bilaabatay.

Xafaladaha xilligan xagaaga la qabanaayay oo iyaguna noqday goobaha ugu badan ee lagu kala qaado feyruska korona

Dhakhtaradda Eeeva Ruotsalainen waxaa ay sheegtay in meelaha ugu badan ee lagu kala qaaday xanuunka ay ahaayeen xafladihii la qabtay wixii ka dambeeyay bartamihi bishii Luulyo, waxaana dhammaan xafladahaas ay ahaayeen kuwo ay qabanqaabiyeen shakahsiyaad gaar ah.

Sida ay dhakahtaraddu sheegtay waxaa jirtay xaflad ay isugu yimaadeen 23 qof, oo 11 qof oo ka mid ah laga helay feyruska korona.

Ilaha wararka waa Yle iyo HS

Xuquuqda Sawirka: Yle News