Finland oo hakisay diyaaradaha Ingiriiska ka imaanaya iyo dadka Ingiriiska ka yimid oo loogu baaqay in ay fayruska Koronaha iska baaraan kaddib markii….

Helsinki 22.12.2020- Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga Finland (THL) waxay soo jeedinaysaa in dhammaan dadka ka yimid Ingiriiska 7.12.2020 ama wixi ka dambeeyay ay aadaan baaritaanka Korona, haddii xitaa aanay lahayn astaamaha cudurka lagu garto.

Hay’adda THL ayaa sheegtay in baaritaannada lagu doonayo, in lagu hubsado in nooca fayruska Koronaha ee cusub aanu Finland ku faafin, isagoo ay sidaan dad laga yaabo in aanay lahayn wax astaamaha ah oo cudurka la xiriira, balse uu fayrusku haleelay. Dadka loo soojeedinayo in ay isbaaraan ayaa waxaa sidoo kale ku jira, dadka halmar ama laba mar baaritaanka Koronaha ku galay Ingiriiska kahor intii aanay Finland imaan.

Baaritaankan hadda laga hadlaayo ee Koronaha waxaa qaadistiisa lagu salaynayaa soojeedinta THL oo ku saabsan kahortagga safmarka cudurrrada faafa oo halis guud dadka ku ah, sidaas darteed baaritaanku waa u lacag la’aan dadka la baarayo mana ku xirna xittaa jinsiyadda ay wataan.

Tirada kiisaska Koronaha ee Ingiriisku aad ayeey todobaadyadi la soo dhaafay u korortay, inkastoo dalka laga hirgeliyay xadaymo cusub. Nooc cusub ee uu fayruska Korona isubeddelay (SARS-CoV-2 VUI 202012/01) ayaa sabab u ah ku dhowaad 50 % kororka tirada dadka qaadaya cudurka ee Ingiriiska jooga.

Finland weli lagama helin noocan cusub ee fayruska Korona, laakiin Hay’adda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Finland (Traficom) oo tixraacaysa warbixinta THL ayaa si degdeg ah gebi ahaanba hakad u gelisay diyaaradaha rakaabka qaada ee Ingiriiska ka imaanaya.

Xigasho: THL