Codbixinta hordhaca ah ee doorashada baarlamaanka Midowga Yurub oo si rasmi ah u billaabatay- warbixin

Kuvituskuva vaaliuurnasta, uurna, vaalit, äänestys. Vaaliuurna-Hanne-Salonen-Eduskunta

Codbixinta hordhaca ah ee baarlamaanka Midowga Yurub ayaa Finland ka billaabatay 29.5.2024 waxayna dhammaanaysaa 4.6-2024. Sidaas si lamid ah, codbixinta hordhaca ah ee ka dhacaysa dalka dibaddiisa ayaa iyaduna billaabatay 29.5.2024 islamarkaana dhammaanayso 1.6.2024.

Maalinta rasmiga ah ee codbixinta doorashada baaramaanka Yurub waa 9.6.2024, maalintaas oo la soo gunaanadayo codbixinta kaddibna la billaabayo tirinta codadka iyo sida ay xisbiyadu u kala heleen kuraasta baarlamaaniga ah ee ay Finland saami ahaan ugu leedahay baarlamaanka Yurub.

YAA CODKA DHIIBAN KARA? Haddii aad tahay muwaadin heysta dhalashada Finland ama dal kale oo Midowga Yurub islamarkaasna aad buuxisay 18 sano ugu dambeyn maalinta doorashada, waxaad xaq u leedahay in aad doorashadan codkaada ka dhiibato. Haddii aad dibadda joogto, waxaad si hordhac ah codkaada uga dhiiban kartaa goobaha loo asteeyay in lagu codeeyo ama xittaa warqad ahaan ayaad codkaada ku soo diri kartaa.

FIIRO GAAR AH: Doorashada baarlamaanka Midowga Yurub ma lahan deegaan doorasho gaar ah. Taasi waxay ka dhigantahay in Finland ay tahay hal deegaan doorasho, meel kasta oo aad dalka ka joogtana aad codkaada siin karto murashax kasta ee aad doonayso meeshii uu doono dalka haka joogee.

Faahfaahinta dheeraad ah ee ku saabsan sida loo cadeeyo iyo guud ahaan habraaca iyo sharciga doorashada baarlamaanka Midowga Yurub halkan waxaad ka heleysaa bogga Midowga Yurub.

SSMV