Finland waxaa laga helay maanta 225 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 6 dhimasho cusub ah

Isniin 12.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 225 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 82 278 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 5 853 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 51 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 132 qof,  gobolka Päijät-Häme oo laga helay 18 qof.  Sidoo kale gobolka Pirkanmaa waxaa  laga helay 16 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 41 Hämeenlinna 2
Vantaa 31 Loviisa  
Espoo 31    
Lahti 12    
Savonlinna 10    
Tampere 8    
Turku 8    
Tuusula 7    
Porvoo 6    
Lappeenranta 5    
Kotka 5    
Hollola 4    
Vihti 4    
Oulu 3    
Jyväskylä 3    
Petäjävesi 3    
Lemi 2    
Raahe 2    
Kangasala 2    
Ylöjärvi 2    
Laihia 2    
Kerava 2    
Askola 2    
Kajaani 2    

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 185 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  42 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 874 qof, kaddib markii ay THl sheegtay dhimashada 6 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 51qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 3 621 oo qof, kuwaasoo 3 261 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 359-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 133 993 oo qof (12.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 46 279 206  136 780 837
Tirada u dhimatay feyruska 997 356  2 951 943