Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) oo gebi ahaanba joojinaysa tijaabada daawada duumada  

Helsinki 18.6.2020-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ku dhowaaqday in ay gebi ahaanba joojisay tijaabadii ay ku samaynaysay daawada hydroksiklorokiin ee cudurka duumadu oo laga baarayay in cudurka COVID-19 lagu daaweyn karo iyo in kale.

Waxay Hay’addu joojisay tijaabinta daawadan lagu tijaabinayay bukaannada qaba cudurka COVID-19 kaddib markii la waayay wax faa’iido ah oo ay daawadan u leedahay bukaannada qaba xanuunka uu keeno Fayruska Korona.

Daawada Hydroksiklorokiini ayaa muddo aan dheereyn kahor soo jiidatay indha caalamka, kaddib markii uu Madaxweynaha Mareykanka Trump si xamaasad leh u sheegay in uu isagu daawadan u isticmaalo kahortagga cudurka Korona.

Isha Warka: Reuters

Sawirka: The Indian EXPRESS