Dadka uu ku dhacay korona ee xanuunka awgiis la galay isbitaalka, 82% waxaa la xaqiijiyay in uu jirkooda ku yaraa Vitamin D

Xuquuqda sawirka:codka soomaalida Finland/SSM

Cilmibaaris cusub oo ay sameeyeen dhakhaatiir u dhalatay dalka Isbeyn oo ka tirsan isbitaalka jaamacadda ee Valdecila ee dalka Isbeyn, ayaa lagu ogaaday arrinka ah in 82% dadka uu ku dhacay feyruska korona ee xanuunka awgiis isbitaalka u galay, uu jirkooda ku yaraa vitamiin D-ga.

Cilmibaaristan oo lagu faafiyay wargeyska The Journal of Clinical Endocrinology & Metabolism, waxaa ka qaybqaatay 216 bukaan oo bishii Maarso ee aynu soo dhaafnay daryeel isbitaal u galay xanuunka feyruska korona awgiis.  Waxaana ay xaalkooda la barbardhigeen dad kale oo xanuuno aan Covid-19 ahayn awgood isbitaalka ugu jira.

Cilmibaaristu ma ahan mid si toos ah uga dhigaysa sababta ay isbitaalka u geleen dadka uu ku dhacay feyruska korona in ay tahay vitamiin d-ga oo ku yar, laakiin cilmibaaristu waxaa ay sheegeysaa arrimo tilmaamaya in uu jiro xiriir ka dhexeeya yaraanta uu jirka ku yar yahay vitamiinka D iyo khatarta cudurka feyruska korona.

Sida cilmibaarayaashu xaqiijiyeen waxaa Vitamiin d-gu uu saameeyn faa’iido ah ku leeyahay habdhiska difaaca ee jirka, in uu qofku qaato cadad ku filan oo vitaamiin-d ga ahna waxaa uu jirka ka difaacayaa caabuqyada ku dhaca habdhiska neefsashada jirka.

Xigasho: Aljazeera