Wararkii ug dambeeyay ee xaaladda Korona iyo Finland, dad hor leh oo korona laga helay

Sida ay sheegtay hay’adda THL, waxaa maanta Finland laga helay feyruska korona 35 qof oo cusub. Tirada guud ee feyruska laga helay ayaa noqoneysa 7906 qof. Ma jirto wax xaalad dhimasho oo feyruska korona la xiriirta oo maanta ka dhacday dalkaan Finland.

Feyruska korona oo markale Vaasa ku faafay, baar khamriga lagu cabo oo haatan isha lagu hayo

Mar kale ayaa baarka khamriga lagu cabo ee The Old Irish Pub ee ku yaalla Vaasa waxaa laga helay kiiska ku saabsan faafista feyruska korona.

Heikki Kaukoranta oo ah dhaktarka qaabilsan cudurada faafa ee magaaada Vaasa ayaa sheegay, in bukaanka laga halay feyruska korona ee baarkan tegay aguriga lagu karantiilay, xaaladdiisuna haatan waa ay fiican tahay.

Sida u sheegay Dr Kaukoranta, dadkii u dayacmay feyruska oo la kulmay qofkan cudurka laga helay, dhammaantoodba waa lala xiriirey waxaana la geliyay karantiil.

Magaalada Kemi- fasal ka mid ah iskuul ku yaalla magaaladaas oo karantiil la geliyay

Wararka ka imaanaya magaalada Kemi ee Waqooyiga dalkan Finland ayaa sheegaya, in arday dhigta fasal ka mid ah iskuulka la yiraahdo Kivikko laga helay feyruska korona. Warku wuxuu intaas ku sii darayaa fasalkii uu ardeygaas dhiganayay iyo macallimiintii joogtayba la geliyay karantiil 14 maalmood ah.

Iskuulka Postipuu ee ku yaalla Espoo oo laga helay feyruska korona

Magaalada Espoo ayaa sheegtay in iskuulka la yiraahdo Postipuu uu dhexjoogay arday qaba feyruska korona.

Magaalada Espoo ayaa sheegtay in xanuunka feyruska u dayacmay  hal fasal oo iskuulka ka mid ah iyo koox macallimiin ah oo uu ardaygu la macaamilay. Dhammaan dadkii uu la macaamilay ee dugsiga joogayna waxaa la geliyay karantiil, kaasoo socon doona illaa 1.9.

Warku wuxuu intaas sii raacinayaa in dadkii joogay qeybaha kale ee iskuulka aanay kiiskan kala kulmin wax khatar ah oo la xiriirto qaadista ama u dayacmidda cudurkan.

Waxaa kale oo ay maamulka caafimaadku la xiriireen dhammaanba waalidiinta dhalay carruurta u dayacantay feyruska korona ee karantiilka la geliyay. Walidiinta ardeyda kale iyo shaqaalahana waxaa warbixinta arrinkaan loogu sheegay khadka telefoonka.

Isha Warka: THL, Yle, Ilta-Sanomat

Xogta macluumaadkan waxaa soo ururiyay islamarkaasna soo turjumay Abdirizak Sugulle