Booliska qaybta ka hortagga dhibaatooyinka iyo dambiyada ee magaalada Helsinki ayaa waalidiinta u soo jeediyay in ay la socdaan xaaladda carruurtooda

Xuquuqda Sawirka: Mahad Sheikh Musse

Sarkaal sare oo ka tirsan qaybta kahortagga dhibaatooyinka iyo dambiyada ee booliska Helsinki Janne Korhonen, ayaa u soo jeediyay waalidiinta in ay la socdaan xaaladda carruurtooda, kalana sheekeystaan halka ay aadayaan xilliyada ay firaaqaha yihiin, iyo watiga imaanshaha guriga.

Sarkaalku wuxuu sheegay in maadaama iskuulladii la furay lana galay mugdigii xilliyada deyrta iyo jiilaalka ay dhalinyaradu inta badan isugu yimaadaan beeraha nasashada, waxaana mugdiga jira awgeed uu ku bixiyay dhalniyarada qaarkood in ay dhacaan dhalinyarada kale ee wadada maraysa. Waxyaabaha ay haatan dhalinyardu aadka u xiiseeyaan ee la dhaco waxaa ka mid ah dharka iyo kabaha tayada sare leh ee ”Merkiga” loo yaqaan sida Luis Viton, Cucci, Bape, Moncler, Canada Goose, Prada IWM. Sidoo kale waxaa dhici karta in gabdhaha dhalinyarada marka ay sakhraamaan laga faa’iidaysto, oo xag jinsi ahaan ah loo isticmaalo.

Sabtidii la soo dhaafay waxaa ka dhacay beerta nasashada Alpi ee ku taalla xaafadda Pasila dhac aad u weyn oo loo geystay 2 qof dhalinyaro oo ah oo u dhashay dalkaan.

Sida ay boolisku ku soo qoreen bartooda Face-Boogga waxaa 10.10 saacadda 21:00 fiidnimo  ay koox wiilal ah oo gaaraya 10 ay dhac u geysteen laba wiil oo beerta nashada yimid, iyadoo wiil kamid ahna labadaas wiilna tooreey la geliyay.

Wiilaashaas dhaca loo geystay waa ay ka carareen goobtii, mana aanay helin hantidoodii laga dhacay. Wiilka toorreyda la geliyay ayaa isbitaalka lagu daweeyay, kaddibna waxaa uu aaday gurigiisa.

Sida ay sheegeen wiilasha dhaca loo geystay, kooxda dhaca geysatay waxaa ay ahaayeen dhalinyaro ajaanib ah oo da’doodu u dhexeyso 15-18 sano, kuwaasoo watay dhar madoow iyo funaanadaha koofiyadda leh.

Boolisku waxaa ay sheegeen in goobta dhacdadu ka jirtay ay joogeen qiyaastii 200 oo dhalinyara ah. Waxaana boolisku uu ka codsanayaa dadkii arkaayay shakhsiyaadka dambiga lagu tuhunsan yahay  amaba arrinkaas wax ka og in ay  booliska kala soo xiriiraan iimeylka ah nuorisoryhma.helsinki@poliisi.fi ama telefoonka 029 547 1200.

Xiagasho: Barta fecboogga ee booliska