Kooxaha falal-dambiyeedka ee dhallinyarada oo aad ugu soo badanaaya dalkaan Finland, waxaana ka tirsan carruur da’doodu u dhexeyso 12-13 sano jir

Sawirka: Mahad Sheikh Musse Duceysane/Suomen/ Somali Media/Keyd-sawirku warkan lama xiriiri

Talaada 21.09.2021 Sida maalmahaanba ay wararku tilmaamayeen waxaa sannadkaan gudihiisa dalkaan Finland la soo gudbiyay dambiyo badan oo ay galeen carruurta aan wali qaangaarin, iyadoo ay soo badatay in dhallinyaradaasi ay qaataan hubka afka leh ee wax lagu dilo sida mindiyaha. Waxaa kaloo ay boolisku sheegeen, in ay jiraan tilmaamo caddaynaaya in ay dhallinyaradu samaysanayaan kooxo falal-dambiyeed dhallinyaro ah oo waddooyinka istaaga.

Waxaa kaloo ay wararku tibaaxayaan in kooxha falal-dambiyeedka dhallinyarada ah ee waddooyinka dhooban ay ku jiraan caruur da’doodu u dhexeyso 12-13 sano jir. Sida ay khubarada arrinkaa ku takhasustay sheegeenna, waxaa carruurtu ay kooxahaas ka raadsanayaan si ay uga mid noqdaan kooxda.

Khabiir ka socda ururka la yiraahdo Asema-Lapset Ry Heikki Turkka oo xaaladdaan ka warramaayay ayaa yiri:” waa muhiim in qofka dhallinyarada ah uu helo meel uu ka mid yahay ama uu ka tirsan yahay. Haddii qofka dhallinyarada ah uu dareemo inaan la jecleyn ama aan la oggolaanayn, meel uun ayuu ammaan ka raadinayaa, waxaana dhici karta in meeshaas ay ammaanka ka raadsanayaan ay tusaale ahaan noqoto ku biirista kooxha falal-dambiyeedka ee dhallinyarada ah ee waddooyinka magaalada taataagan, ayuu yiri Heikki Turkka.

Warbixin dhowaan la soo daabacay oo arrimaha dhallinyarada ku saabsan ayaa sheegeysa, in dhallinyarada dhexdooda uu haatan ka socdo dagaal aargudasho ah, iyadoo tirakoobkii arrinkaas laga sameeyayna uu tilmaamayo in 50% dagaalka iyo jirdilka dhallinyarada dhexdooda ah uu yahay mid aargudasho ah.

Dagaalka iyo rabshadaha dhallinyarada dhexdooda maalmahaanba wargaysdu si aad ah ayay wax uga qorayeen, waxaana haboon in waalidiinta la xusuusiyo in ay carruurta aan qaangaarin ay iyagu mas’uul ka yhiin. Waxaana waalidka la gudboon in ay isha ku hayaan halka carruurtoodu ay aadayso iyo waxa ay samaynayaan.

Waxaa khabiirkaas Heikki uu sheegay in bulshada Finland ay haatan noqotay mid xaaladdeedu ay aad u adag tahay. Marba haddii sida tirakoobyadu ay sheegayaan ay lammanayaashii isqabay kala tageen oo uu guurkoodii 50% ku soo dhammaaday furitaan, taas waxaa ay na tusinaysaa in ay jiraan waalid badan oo kaligood ilmaha mas’uul ka ah. Sidoo kale waxaa jira walidiin badan oo aan waxbarasho soo qaadan, islamarkaana ay khasab ku tahay in ay ka shaqeeyaan shaqooyinka mushaarka hoose, si ay biilkooda u soo saartaan. Waxaana dhici karta in waalidiin badan oo kuwaas ka mid ah ay habeenkii shaqo jiraan, halkii ay ilmahooda waqtiga kala qaadan lahaayeen. Taasina waxaa ay keeneysaa in waalidiintu aanay la socon habayaraate halka ay ilmahoodu joogaan.

Dhowaan ayaa sarkaal sare oo ka tirsan qaybta dambi baarista booliska dalkaan Finland Christer Ahlgren,waxaa uu sheegay in Finland ay cagta saartay waddadii dalalka Denmark iyo Iswidhen oo ay ka abuurmeen kooxo falal-dambiyeed eedhallinyaro is uruursaday ah, kuwaasoo waddooyinka dhooban. Sarkaalku wuxuu sheegay in boolisku aanay wali ogaan karin tirada rasmiga ah ee dhallinyaradaas.

Sida uu sheegay Ahlgren  arrimahaan cusub ee soo baxay boolisku uma hayaan awood dhaqaale oo ay ku dabagalaan, si loo helo sawirka dhabta ah ee arrinkaan.

Sarkaalka boolisku wuxuu sheegay in mar horeba ay samaysmeen kooxo dhallinyaro ah oo abaabulan, waxaana uu carrabaabay koox samaysa falal-dambiyeed oo la magac baxday Mantaqa, kuwaasoo ka kooban dhallinyaro ka kala yimid dalal kala duwan, waxaana sida sarkaalku sheegay kooxdaan ka mid ah dhallinyaro u dhalatay dalkaan Finland.

Dhallinyaradaas ka tirsan kooxdaan falal-dambiyeedka waxaa ay isugu jiraan kuwo da’doodu kala duwan tahay, waxaana hoggaanka u haya dhallinyarradii dhalatay bilowgii sannadihii 90-yeedii.  Waana koox sida uu sarkaalka booliska ah sheegay si xoog ah hawlaheeda uga wadda dhanka internetka.

Boolisku si wanaagsan ayay ula socdaan xaaladda dadka hoggaanka u haya kooxdaas, laakiin xubnaha rasmiga ah ee kooxda iyo inta taradoodu tahay, waa mid si aad ah uga duwan qaababkii hore ee kooxaha falal-dambiyeedka looga bartay ee dalkaan Finland. Way adag tahay in la ogaado tirada rasmiga ah ee kooxda, waayo waxaa ay u nool yihiin qaab qarsoodi ah.

Kooxdaan waxaa ay kaga duwan tahay kooxaha kale ee falal-dambiyeedka, ma isticmaalaan wax astaan ah oo lagu garan karo sida jaakado u gaar ah ama calaamado kale oo aqoonsi ah tooonna. Waxyaabaha u gaarka ah oo ay kooxaha kale kaga dwuan yihiin waa, in ay yihiin koox ka soo horjeedda hawlwadeennada dowladda sida ciidanka nabadgelyada, islamarkaana ay ku badan yihiin dhallinyarada asal ahaan ka soo jeeda dadka waddaankaan u soo guuray ama ajnabiga ah.

Waax koox aad isugu taagta hawlwadeennada dowladda oo aan oggolayn in hawlahooda la farageliyo. Dhammaan dadka oo dhanna waxaa ay ula dhaqmaan qaab hanjabaad ku dheehan tahay, iyagoo la dagaalaya cid kasta oo isku dayda in wadada ay ku socdaan ay ka horistaagto. Waxaa la oran karaa waa koox cadowtinimo leh ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidanka booliska ee la yiraahdo Ahlgren.

Xubnaha kooxda waxaa lagu tuhunsan yahay in ay ka shaqeeyaan falal-dambiyeed la xiriira ka ganacsiga maandooriyaha, qaar kamid ah xubnaha kooxdana waxaa ay haatan ku xiran yihiin xabsiga dambi baarista. Xittaa xirnaanshaha ay xabsigaas ku xiran yihiin, ma aanay noqon mid ka joojisa kaqaybqaadashada falal-dambiyeedka kooxdaan Mantaqa.

Kooxdaan falal-dambiyeedka waxaa si toos ah looga soo arrimiyaa xabsiga dhexdiisa. Xittaa waxaa jirta in iyadoo xubnaha qaarkood ay xabsiga ku jiraan, ay halkaas ka soo diraan hanjabaado ku wajahan dad xabsiga bannaankiisa jooga. Waxaana sarkaalka booliska uu sheegay, in ay tahay arrin waajib ah sidii loo sugi lahaa, in xabsiga gudishiisa shaqo aad u xooggan laga qabto.

Sarkaalkan ka tirsan ciidanka booliska ee Ahgren wuxuu ugu dambayntii u diray farriin aad u xooggan dowladda Finland, gaar ahaan ciidanka nabadgelyada qaabilsan. Waxaana uu yiri:” haddii aan haatan wax ka qaban weyno kooxdan falal-dambiyeedka Mantaqa oo aan sidaas faraha uga qaadno, waxaa dhici doonta in arrinkaas uu noqodo mid wadada u fura in ay soo baxaan koxo kale oo falal-dambyeed ah oo ku dayda kooxdaan Mantaqa.

Xigasho: MTV3