War wanaagsan: Metrooga oo dhowaan tegaya xaafadda Kivenlahti ee magaalada Espoo

Metro-Itäkeskus/Mahad Sheikh Musse

Gaadiidka inta badan dhulka hoostiisa mara ee Metrooga loo yaqaan ayaa laga billaabo 3:da bisha Disembar ee sannadkan 2022 ka shaqo billaabaya inta u dhexeysa Xaafadda Matinkylä ee Espoo illaa iyo xaafadda Kivenlahti ee isla magaalada Espoo.

Shirkadda Gaadiidka dadweynaha ee Soonaha Helsinki (HSL) ayaa war ay soo saartay ku sheegtay, in Metroogo uu yeelan doono shan maxaddo oo cusub oo ku yaal magaalada Espoo. Maxaddooyinkan cusub oo dhammaantood ka dambeeya maxaddada Matinkylä ee uu hadda ku egyahay Metroogu ayaa kala ah: Finnoo, Kaitaa, Soukka, Espoonlahti iyo Kivenlahti.

Metro-Rautatientori-Mahad Sheikh Musse

Dhabbaha metrooga ee inta badan dhulkiisa hoostiisa mara ayaa isku xira Bariga magaalada Helsinki iyo Galbeedka magaalada Espoo.

Isha warka: Iltalehti